Ha Balweeyo ee Daa: Waxa Qoray Cumar Seerbiya

CUMAR SEERBIYA

Haddaan kuu daacad waramo wali ma arkin muuqaal noocan ah  adigana uma malaynayo inaad aragtay waa haddii aad jeceshay inaan is aamino,  mana filaayo inay wali hal meel ku wada kulmeen intan oo arrimood  oo uu ugu horeeyo  koobka shaaha  caleentu ku yartahay ee Bigayska ah /aan caanaha lahayn  ee dul saaran miiska yar  ee cadceeda galabnimo eek u dhacaysa aad moodayso in isaguba yahay godkii ay qoraxdu u hooyaynaysay .

CUMAR SEERBIYA
CUMAR SEERBIYA

Aniga ayuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee arkay  balse inta aanan indhahayga u mahadcelin waxa ka horeeya oo amaan mudan labadayda dhegood oo ahaa kuwii aan wax ku maqlay aragga ka hor .

Waxaan Markiiba aqoonsaday inuu yahay codkani mid ka soo baxaaya dhuun Noole leeyahay   sababta oo ah manoole-yaasha uga maan baranin inay dhawaaqaan haddii ayna maanta bilaabaynin , balse may noqonin ee waxaaba ii sii cadaatay inuu yahay qof wax yar uun ka codweyn shimbiraha kuwooda codka fiican leh ee arooryada hore  heesaha xusuusta koriya dadka sida  lacag  la’aanta ah ugu maaweeliya u raaxaynta naftooda ka sakaw.

Fadhi iima yaalo oo markiiba labadayda kabood oo mid lugtayda ka baxsanayd ayaan gashaday waxayna markiiba amar aanan garanaynin cid I siisay  balse aan naftayda  oo inta badan dirir naga dhaxayso aan u aanaynayo ayaa lagu yidhi kac oo adeeg , maxaan qabtaa ayaan weydiiyey nafta ?. miyaanad maqlaynin sawaxanka iyo shuuxa  dhagaha ku soo dhacaaya  ayey iigu jawaabtay waxayna sii raacisay haddaad maanta gacan I siinwaydo goormeen ku gar-gaarsan ?.

Markaasi ayaan dhaaday wax badan  waxaan dareemay inaanu sii jirin adkaysani ka badadan intan   in aan  istiilo mooyaane , hareeraha ayaan hadba dhinac eegay  sidii I ruux salalaw , haddii aanan qorraxda arkaynin waxaaban  dhihi lahaa waa habeen .

Aniga oo kaashanaya  maqalkii ay dhaguhu xifdiyeen isla markaana ka feejigan in aan aamusiiyo codka marka uu dareemo shanqartayda  ayaan aadyar gaatamay, waxbaan ku soconayaa faraha hore cagaha  sidii qof  raba inuu qaato Jowharad  Mas ilaashanayo.

Markan jihadu igama xuma oo waxaan helay dhinaca uu codkani ka baxaayo waxaan ogaaday dhinaca qorrax dhaca maahane inuu yahay dhankayga kale , sidaan u socday waxaan ku dhawaaday goobtii codku ka imanayey, walise kasooni kama qabo inaan si caadi ah u socdo ee waxuun baa ileh taxadir samee .

Waxaan ugu horayn arkay koob Shaaha oo qayb laga cabay , shaaha dhinaca shishe waxa ka xiga laba lugood oo midi ta kale dulsaarantahay ma garan karo sababta ay uga fadilantahay ee ay u fuushayta kale  iyo waliba gacan faraha qaybi laaban yihiin  oo laba ka mid ahi ay dibnaha dulsaaranyihiin ,   waan ku sii dhawaaday  waxaan arkay madax ay ku yaallaan timo kuwii aan markaasi anigu madax sare ku lahaa wax yar uun ka badan  , oo si wacan u feedhan /shalaysan , markaan  xisaab ayaa iskugu kay beegan oo codkii aan markii horeba qiyaastay inuu yahay aadmi iyo muuqaalada qofka ee aan arkaayo .

Dan igamuu gelin ee codkii wuu sii wataa waxaaban moodayaa  inuu aniga dartay uu  u sii wanaajinayo oo uu isleeyahay raaxada  kaliga ah  isku koobin, Allaw deeqnimo, xataa ismuu dhaqaajin.

Ilaa ana ugu dambayn dul imi , aniga oo dultaagan ayuu inta uu wax yar hakiyey I saalamay markan waaban sii farxay oo Soomaali ayuuba igula hadlay ,

Waxaan si deg-degsiimo leh ugu sheegay sababta ii keentay  ee aan u dulmi waliba ogolaanshiiyo la’aana  aan ugu dhagaystay , waxaan hadal ugu khatimay in codkasta oo ruuxda la hadlaaya aan wax ku leeyahay aniguna .

Laba mid ayuu I kala doorsansiiyey inuu sii wado  codkan  iyo inuu iiga waramo  sababta codkani godkiisa uga soo baxay, markan labaduba waa kala darran balse damacayga waxaan ka codsaday inuu isku daro..

Codkii ayuu dhamaystirmay  waxaanu ku soo koobay  erayadan “ talo cayn wareegtana layskuma canaantee”.

Marka uu halkaasi marinaayo ayaan  garabkayga taabtay waxaan raadinayaa inaan sitay Cimaamad ama go’  aan dulsaaro waliba aniga oo labadayda gamcood adeegsanaya inaan madaxa ka saaro , balse nasiibkayga shaatiga aan xidhnaa waxba iigamay  saraynin oo markii horeba maan soo qaadan oo eedna kuma lihi mabaan ogayn .

Cabbaar markii aanu si wada jir ah codkii u dhuuxaynay  waxaanu galnay nasasho yar  oo ah inaanu ka sheekayno erayadan qasabka igu soo jiitay , waxaanu isla garanay inay ahayd  cod uu sannado ka hor ku heesay  Maxamed Saleebaan Tubeec  oo Soomaalida oo aanu labadayadu ugu horayno isku waafaqsanyihiin  in loo xidho Taajka bilicda codka .

Waxyar haddii aanu sii dhexgalnay sheekadii iyaduna waxa noo soo baxday in heestani ku jirtay riwaayad la odhan jiray  [sdhaafe dhallaanka iyo waalidkii dhalay] oo ay si wad ajir ah u alifeen Cabdilaahi Cabdi Shube iyo Axmed Saleebaan Bidde.

 Markii ay sheekadu halkaasi marayso naftii markii hore isoo kicisay ayaa hadana canaan igu bilawday oo waxay diidantahay inaan codkii wacnaa ee socday  sabab u noqday inuu is taago waxaaban maqlayaa iyada oo ku celc-elinaysa ; Ha Balweeyo ee daa, Ha balweeyo ee daa , Ha balweeyo ee daa.

Sheekadan waxaan ka qoray  nin galab fadhiyey maqaaxi shaah oo ku taalla magaalada Khartoum ee dalka Suudaan oo aan markii hore suudaani moodayey balse markii dambe soomaali noqday.

Cumar Seerbiya

omarserbia1@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.