Tantanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland: Halistii Shalay, Hadimada Jirta iyo Hummaagga Maanta!

Hargeisa Stadium Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland 2016

Sannadkii la arko Ciyaartii dhacdaaba waxay dhammaanaysaa, iyadoo Wadnaha farta lagu hayo cabsi darteed. Waa maxay ayaan-darrada intan leeg ee Bulshada haysataa?

Hargeisa Stadium Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland 2016
Hargeisa Stadium Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland 2016

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuu furay maalintii Khamiista oo ku beegnayd 27-kii October 2016 wareegga labaad ee Ciyaaraha Gobollada.

Is dhex-galka Bulshada si ay uga qayb noqdaan, Ciyaaruhu waa tallaabo faa’iido leh oo dhalinyarada ka jeedin karta dhammaan arrimaha dhaqan-xumada ku shuqul leh ee ay caadada ka dhigan karaan.

Tartanka Madaxweynuhu furay, maaha mid cusub, waase mid taagnaa muddo oo dib u bilaabmay, wareegyadiisii kalena hore loo soo ciyaaray, oo immika waa siddeedda kooxood ee dhammaadkii tartanka ama si kale haddii aynu u nidhaahno, waxaa lagu kala saarayaa 8-dii gobol ee wareeggii koobaad ka soo gudbay.

Maxaa Sababay in Sannad Buuxa ka dib qaybta labaad dib u bilawdaan?

Waxay ahayd bishii October ee sannadkii inna dhaafay 2015-kii, markii tartanka Ciyaaraha gobollada Somaliland isreeb reebkiisa, ay kala marti-geliyeen magaalooyinka Burco iyo Boorama, kaas oo ay aakhirkii ka soo baxeen siddeedda gobol ee sannadkan ku tartamaya koobka gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ciyaarihii sannadkaas ee isreeb-reebka ahaa, waxaa si weyn loogu xasuustaa rabshadihii joogtada ahaa ee ka dhici jiray garoommada Ciyaaruhu ka socdeen, gaar ahaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, iyagoo rabshadahaasi sababay dhimasho iyo dhaawac dhawr qof ah.

Maskaxda Shacabka reer Somaliland-na waxaan marna ka bixin rabshiddii ka dhacday garoonka Boorama , kulankii Maroodi-jeex iyo Awdal ee Ciidammada Ammaanku rasaasta nool adeegsadeen. Waana tii sababtay in xulka Caasimaddu ciyaaraha kaga hadho, go’aan Wasaaradda Ciyaaruhu ganaax ahaan uga soo saartay dhacdadaas.

Kadib, dhawr jeer oo Wasaaraddu ka hadashay goorta Ciyaaruhu dib u furmi doonaan, waxay ku doodi jirtay inay ka shaqaynayso sidii loo sugi lahaa Ammaanka, loona sixi lahaa cilladaha farsamo ee ciyaaraha door walba hadheeya, taas la-ajligeedna ay qaban doonaan xilliga ay u arkaan inay ku habboon tahay in dib loo bilaabo hormada labaad ee ciyaaraha gobollada dalka. Bilaabashada immakuna, waxay caddaynaysa in Wasaaradda Ciyaaruhu tabaabusheheedii dhammaystirtay, sidaasna ay ku qaadatay go’aanka.

Is-beddel ma laga sameeyey dhinacyadii Ammaanka iyo Farsamo?

Jawaabtu, waa maya. Marka aad ka shidaal-qaadanayso, nidaam-xumada taalla garoonka Hargeysa Stadium, waxaa kuu soo baxaysa inaanay jirin, tallaabo hore loo qaaday, ee Wasaaraddu qodxihii hore-ba iyadoon gurin, kuwo cusub sii dhigayso.

Haddii aad mar uun booqatay si aad u soo daawato ciyaar ka dhacaysa gegida ugu weyn Caasimadda, waxaan shaki ku jirin, inaad ila aragtay dhibta iyo maamul-xumada baahsan ee ka jirta halkaas, oo aad markhaati iiga tahay mushkiladda garoonka dibeddiisa iyo gudihiisaba ku kala haysata Shacabka iyo Ciidammada Ammaanka, taas oo laga yaabo inay sababto qarax ammaan-darro oo aynaan diyaar u ahayn wakhti xaadirkan.

Ciyaaryahannada Garoonka laga hor taagan yahay, Ciidammada Nabadgelyada ee ku rafaadsan Khal-khalka ka dhashay Tigidhada Garoonka lagu galayo ee Labada Taraabbuun u qaybsan, Qiime ahaan iyo Cannaanta Maamulka kooxaha ee Ciyaaryahannadii ay wateen lagu xannibay Irridka qufulan ee dirqiga lagaga xidhay Taageerayaasha Tigidhadoodii sita iyo qaska garoonka dhexdiisa ka jira, Hooyada dirqiga ku soo gashay ee haddana gurigii ay ka timid lagaga soo qayliyey ee la’ meel ay ka baxdo, waxay bixinayaan Sawirro ka duwan kuwa aad muuq-baahiye-yaasha kala socoto ee la xidhiidha Tartanka ciyaaraha gobollada ee Hargeysa Stadium ka socda.

Xiise kasta iyo xamaasad kasta oo aad garoonka u tegtay, waxay cabsi iyo murugo isu rogayaan adigoon dhaafin afaafka (ganjeelka) ama irridka garoonka laga galo, halkaas oo aad ugu tegayso Boqollaal Askar ah oo sida cadawga ula jihaadaya Shacab u soo diyaar-garoobay sidii ay garoonka u camiri lahaayeen, Qoryaha rasaasta nooli ka dhacdo ee Askari kasta garabka u sudhan ay u dheer tahay Ulo iyo Budhadh ay geedo quruxsan ka soo qorteen oo ay sida Xoolaha ugu hor-joogaan dadka dhammaantood gacanta ku haysta tigidhadii daawashada ciyaarta ee ay lacagta ku soo bixiyeen.

Laakiin, taas beddelkeeda, waxaa dhacaysa in Boqolkii Qof ee garoonka lagu hor ulaynayay ay ku soo biiraan kumannaan war-moog ah oo iyaguna Waraaqihii irrid-maridda hore ka soo goostay oo faraxsan. Halkaas mashaqada ka dhacaysa waxaa ka sii daran, marka tiradii taageerayaashu sii korodho Ciidankiina u itaal waayaan caabbintooda ee ay albaabka weyn hoosta ka soo xidhaan garoonkii oo madhan iyo Ummaddii buuxin lahayd oo dibedda taagan.

Arrinta ugu yaabka badani waxay tahay, in Ciyaaryahannada qaarkood iyo hawl-wadeenno badan oo garoonka ka hawl-gelli lahaa ay iyaguna ku dhex jiraan dadka albaabka laga xidhay. (Waxaan indhahayga ku arkayay, Tabobbaraha Ciyaartoyda Orodka gobolka Togdheer oo Ciidammada ka codsanaya inay Albaabka ka furaan si qaar ka mid ah Orodyahannadiisa oo dibbedda garoonka ku xannibani ugu soo galaan ugana qayb qaataan tartanka).

Dhibtan soo noq-noqotay yaa Masuul ka ah?

Jawaabtu waa ciddii loo igmaday inay wadDanka uga masuul ahaato Ciyaaraha iyo qaban-qaabadooda, oo ah Wasaaradda Ciyaaraha. Waxaana sababaysa, maamul-xumadooda iyo aqoon la’aanta, iyadoo aanay jirin, waayo-aragnimo iyo rikoodh la tixraaco oo wax isweydiin laga yeelanayo marka laga gudbo marxalad.

Innagoon marna odhanayn, Shacabku wey ka madhan yihiin oo shaqo kuma laha dhibta, iyaga laftooduna ay qayb ka yihiin, haddana waxaan arkaa in Shacabka hoggaankoodu uu u igman yahay sidii uu isugu-dubba-ridi lahaa, sababta uu xilka u hayaana ay tahay sidii uu jidka toosan ugu ridi lahaa.

Maxaa Xal Ah.?

Illaahay sida khayrka leh ha inna waafajiyo, nabadgelyona ha innoogu dhammeeyo, arrintani waxay u baahan tahay wada-tashi iyo in dadkii ciyaaraha aqoonta u lahaa wax laga weydiiyo, oo aan ku kici iyo qabo uun xaalkeennu noqonnin, sida doorkan iyo kuwii ka horreeyeyba innagu dhacday.

Xigasho Cadalool.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.