Daawo Cabdiraxmaan-Oday oo Soo Saaray Muuqaal Cajiib iyo Heesta Marwo Khadra 2016

Aftahannews.com///. Waxaannu qaybteenna Suugaanta iyo Dhaqanka ee Aftahannews idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka cusub ee uu soo saaray Fannaanka Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi (CRaxmaan-Oday) ee Heesta uu u qaado Marwadiisa Khadra. Waxaa Erayada Heesta curiyey Abwaan Maxamed Yuusuf Qolqol, Laxanka iyo Codka waxaa ku ladhay Cabdiraxmaan-Oday, halka Musiga uu raaciyey Ilyaas Idiris Caynaan.

Duubista quruxda badan waxaa iska kaashaday Waqal iyo Afro Media Production, waxaa si gaar ah u duubay una farsameeyey Injinneerrada kala ah Mustafe Saleebaan, Abbokor-Diino iyo Nuuradiin, waxaanannu Maqalka iyo Muuqaalka Bilicda san ee Heesta Khadra idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.