Musharrax Jamaal Oo Isbarbar-dhig Ku Sameeyey Taranka Oroddada iyo Ka Siyaasadda Xisbiyada

TARTANKA ORODKA MO FARAH AND ATHERS OF THE WORLD 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa is-barbar-dhig ku sameeyey tartanka Oroddada iyo ka Siyaasadda, gaar ahaan Siyaasadda Xisbiyada Somaliland ee wakhtigan tartan is-reeb-reeb u muuqda iyo xafiiltan hoose ka dhexeeyo, waxaanu sawiray waxyaabaha ay iska shabbahaan labada tartan ee orodka iyo siyaasaddu.

TARTANKA ORODKA MO FARAH AND ATHERS OF THE WORLD 2016
TARTANKA ORODKA MO FARAH AND ATHERS OF THE WORLD 2016

Sidaa waxa uu Jamaal ku sheegay Qoraal uu Barta uu ku leeyahay Shabakadda kulanka Bulshada ee Facebook Jimcihii shalay, waxaanu qoraalkaas oo farriimo siyaasadeed iyo wax fahansiin xambaarsani u dhignaa sidan:-

“Weclaan lahaa bal inaan maanta is yara barbar-dhigo Tartanka Orodka iyo Tartanka Siyaasadda; Tartanka Siyaasadda iyo ka Orodkaba illaa Xadhigga laysla jiidhayo oo Orodku dhammaanayo, ma odhan karno ciddaasaa guuleysatay iyo ciddaa kale, ayaa laga guuleystay.

Laakiin, marka Orodku socdo ayaa marba cidi tartanka orodka ugu horreysa ee kooxda tartamaysa hoggaaminaysa la yidhaahdaa Hebel ama Xisbi Hebel baa immika hoggaaminaaya. Markaa, bal maanta waxaan ku cabbirayaa isbarbar-dhiggaasi labada tartan ee ka Siyaasadda iyo ka orodkaba qoraalkaygan labadda qodob ka kooban.

  1. Horta, waxaan arkaayey in Nin walba Xisbiguu jeclaa marka ay in yar u korodho ama uu orodka markaasi dadka horkacaayo isu qaadanayaba in guushii la gaadhay oo laguba kala dareeyey. Tusaale ahaa; Nin aannu is naqaanno ayaa maalin igu yidhi; ‘waar idinku haddaad UCID tihiin waad hadheen’. Markaasaan ugu jawaabay oo maxaa dhacay saaxiib dee weli shirkayagii maannaan qabsan oo wakhti kale ayaa noo dhimane? Markaasuu yidhi; ‘oo sowtan Xisbiyadii kale lagu kala biiray’. Markaasan ugu jawaabay; waa runtaayoo dee annaga weli meel laysku haysto ayaannu nahay oo weli xukunkii Maxkamadda ka dib aan shirkii dhammeystirmin, Shacabkii Somaliland dee weli meel kumay biirin ee Shakhsiyaad uun weeye immika xaajadu, dee dadkana immika ugu yeedhi mayno meel laysku haysto haddaannu UCID nahay illaa inta ay wax kala miirmayaan. Anigoo hadalkaygii sii wata ayaan jawaabtaydii haddana isu barbardhigay orodka iyo siyaasadda markaasuu si fiican ii fahmay; taasaana runtii igu kalliftay qoraalkan kooban inaan maanta ka sameeyo. Jawaabtuu ninkii si fiican u fahmay ee aan ku idhi waxay ahayd; ” miyaanad ka warhaynin in orodyahankii dunidda ee caanka ahaa ee MO FARAH inta iyadoo orodkii lagu jiro uu kufay oo orodkii aad looga tegay; ayaa intuu ka daba tegay weliba badiyey orodkii; markaa taasina miyaanay siyaasaddaba meelo faro badan ka dhicin oo qof aan la fileynin ay aakhirkii guushu raacday. Markaa, indhahaagu yaanay ku koobnaan waxay arkaan uune waa inay ka fikiraan waxa suurtogal noqon kara. Ninkii odayga ahaa si wanaagsan ayuu hadalkaa u qaatay ama u fahmay. In immika nalaga horreeyo oo aannu sidii MO FARAH ka soo kaban karno oo weiba badin karnana si wanaagsan bay ugu duxday Ninkii odayga ahaa illeyn Illaahay baa guusha hayee.
  2. Taasi haddii aan ka tago; qodobka labaad ee isbarbar-dhiggu waxa weeyaan; Oroddada dhaadheer oo ka siyaasadda la mid ah miyeeydaan arag in Orodyahanno Qof ay doonayaan inay iska reebaan uu kolba Nin hor orda oo xiijiya ay u sameeyaan; halka kuwa kalena uga nasanayaan. Markuu orodku soo dhawaadana kii la xiijiyey uu aayar khadkaba ka baxo oo Raggii kolba isku nasinaayey uu marka danbe iyaga tartanka ugu danbeeyaa uu noqdo. Malaha waxaabad mooddaa in arrinkaasi uu immika u ekaaday Xisbiyaddii Somaliland, oo uu Kulmiye kolba qolada yara cadcad uu eryanaayo. Beryahaasi oo dhan UCID burburkeeda iyo reebisteeda ayey ku mashquulsanaayeen, markii danbena Xisbigii Waddani ayaa siyaasiyiintii Isbahaysiga Kulmiye ku biireen oo ay immika isku maran yihiin; halka ay UCID u nasanayso. Inta danbena idinka ayaan idiin daynayaa. Siyaasadduna waa sida oroddadaasi oo kale illaa marka ugu danbeysa weeye xaajaddu. Laakiin malaha qolooyinkan siyaasadda ku jiraa tii Illaahay umaba muuqatoo, iyagoo mar qudha ku tiraabaaya arki maysid ee waxaabay isla markiiba isa siiyaan guusha; hadda waa marka ay orodka ugu yara horreeyaan oo waxaabad mooddaa inay tarabuunka ama dadweynaha sacabka u tumaya ay kolba la ciyaarayaan, iyagoo aanu weli orodkii dhammaanin. Wa Billaahi Tawfiiq.” Jamaal Cali Xuseen.