Axmed Muumin Seed oo Hanjabay, Caddaalad-darro Sheegtay, Cirrana Beenaale Ku Tilmaamay – Daawo

“Caddaalad-darradaa u waynayd ee Somaliland Waddani bay ka dhacday, Cirro Qosolkiisa iyo Ballankiisu inuu Been yahay Maantaan Ogaaday, waxaanan Ballan-qaadayaa waa innoo Boorame iyo Waddani..” Axmed Muumin Seed

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ahaana Musharrax u tagaan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbigaas oo Maanta loo doortay Dr. Maxamed Cali oo ahaa Musharraxa labaad ee jagadaas u taagan, ayaa caddaalad-darro ku tilmaamay qaabka doorashadu u dhacday, Cabdiraxmaan-Cirro oo loo doortay Musharraxa Madaxweynaha Waddani-na ku tilmaamay Beenaale Shan sano Qosol been ah la jilayey sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Muumin Seed oo ka baxay Shirka Golaha dhexe ee Waddani oo ka socday Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ka dib markii sida uu sheegay isagoo filaya in Magiciisa la yeedhiyo marka loo codeeyo Musharraxa Madaxweynaha oo aan Cabdiraxmaan-Cirro cid kula tartamaysaa jirin, laga horreysiiyey Magiciisii Musharraxa kale oo uu ku tilmaamay mid aan Xisbiga xaq badan ku lahayn oo aan la soo halgamin, balse uu sheegay inuu Cirro hoosta ku haystay.

Waxa uu intaa ku daray Guddoomiye Ku-xigeen Seed in Xubnaha Golaha dhexe ee isaga taageersanaa 180 ka tirsan aan wax Kaadhadhkii Shirka lagu galayey ah la siinnin ee ay Hoolka Shirku ka socday dibedda ka joogeen, markii uu taas ogaaday, sidoo kalena ogaaday inuu Shirku afduuban yahay sida uu hadalka u dhigay ka dib uu dibedda uga baxay. Waxaanu ku hanjabay oo uu yidhi; “Waxaan ballan-qaadayaa, waa innoo Boorame iyo Waddani..”

Haddaba, Axmed Muumin Seed oo isagoo cadho ka muuqato Saxaafaddu dibedda Hoolka Shirkaasi ka socday markii uu ka baxay ka dib wax kaga weydiiyeen sababta uu uga baxay iyo waxa uu diiday, Jawaabaha uu ka bixiyey iyo hadalkiisa oo dhan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.