Dayaxa & Dugsigu isku Toosanaa: NABSI Musharrax laga galay 2 Qarni hortod oo MAANTA Waddani u Hubqaatay!

MUSHARRIXIINTA XISBIGA WADDANI EE MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKA 2016

Ma loo Sadqeyn doonaa Sidii Marxuum BUUNI? Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye)

Taariikhdu iyadaa is-qorta ayaa hore loo yidhi, inkastoo aan la hayn ciddi tidhi, balse cibaarooyin iyo hitaaqooyin hore bani’aadamka u soo maray, ayey sunnaha taariikhda tahay inay marar kale iyagoo saansaankii hore lihi soo maraan, macnaheeduna tahay inay wax ku qaataan natiijadii ay ka dhaxleen tagtadii hore, kaga feejinaadaan timaadada dambe inaanay mar labaad ku dhicin waxii hore u soo maray.

MUSHARRIXIINTA XISBIGA WADDANI EE MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKA 2016
MUSHARRIXIINTA XISBIGA WADDANI EE MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKA 2016

Xadiis Nebiga CSW ayaa macnahiisu ahaa, “Muslimka god laba jeer lagama wada qaniino” oo macnaha lagala baxayaa yahay inuu iska ilaaliyo halkaa ama arrin kastoo joogtadiisa taagan, balse leh tagto horoo la soo maray iyo dhaxalkii laga mutay, ilayn waa lama huraan inuu mudan doono natiijadii hore looga dhaxlay mid la midee.

Odhaan Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Nina labada af kama ilmo dhalo” oo loola jeedo haduu eex iyo khiyaano meel ku guulaysto, waxa lama huraan ah inuu meel kale cawaaqibkeeda ka mudan doono, wejigay doonto ha ku soo waajahdee.

Hees baa midhaheedu ahaayeen, “NABSI goba lama maalmoo, ARAMI weeyaane” waa xaqiiq in qof kastoo ka gala godob qofka walaalkii ee islaamka sifahay doonto ha ku timaadee, ama talaabo aanu xaq ugu lahayn ku sameeya in cawaaqibkeedu huran yahay inuu haleelo, ha dheeraato ama ha dhowaatee, loona baahan yahay inuu ka feejignaado.

Muddo haatan laga joogo labaatan sannadood ku dhowaad waxa dhacday NABSI laga galay musharax u tartamayey xilka jagada Madaxweyne-xigeenka Xisbiga KULMIYE, oo ahaa nin tacab badan soo gashaday xisbigaa, Ilaahay haw naxariistee Cabdi Xasan BUUNI, balse nasiibdaro, sifo ay is-tuseen hogaankii xisbiga kulmiye mooyee, waxa dhacday in xilligii doorashada musharaxiinta xisbiga Kulmiye ay taagnayd in xisbiga taageero macnawiyan iyo gacan siiyey musharaxa Muj. Cabdiraxmaan (Tol-waa), oo wakhtiyada isaga iyo rag kale kaga soo biireen ururkii SAHAN ee doorashada goleyaasha deegaanka ugu horeeyey ee dalka ka dhacday ku hadhay, waxaana doorashadii natiijadeedii noqotay in Muj. Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax (Tol-waa) ku soo baxo jagada madaxweye-xigeenka xisbiga KULMIYE, oo musharaxa Madaxweyne u taagnaa Md. Axmed M. Siilanyo (Madaxweynaha JSL xilligan), waxaanu musharax BUUNI ka huleelay goobtii shirka isagoo murugo u dhamayd, cid walbana arkaysay, cid aan dan ka lahayn, iyo kuwo u damqanayey, balse aan waxba u qaban karaynba, inkastoo ay jiri karaan dad sifo kale u sharxi kara natiijadii goobta shirka oo Gurriga Shaqaalaha hargeysa ka dhacday ahayd. Waxuu noqday NABSI xisbiga KULMIYE ka galay shaqsi aanay mudnayd inuu mutaysto, si kastaba, waxa dad badani yidhaahdaan natiijadii doorashadii madaxtinimada ugu horeysay ee Somaliland ka dhacda oo Xisbiga UDUB kaga guulaystay xisbiga KULMIYE, sifahayn doonto ha ku timaadee loo aanayn karo gobodtii ay ka galeen Siyaasi Buuni, ama nabsigiisii helay.

Maanta waxa taagan dhacdo la sumad iyo saansaan eg NABSIGAA labaatan sannadood horteed xisbiga KULMIYE ku dhacay, oo u haliilayaan in hogaanka xisbiga WADDANI hantiyo, hadda ogow akhristow musharaxa hore looga galay nabsiga iyo musharaxa maanta loo maleegayo in laga galo waa isku reer ama labaduba waxay ka soo wada jeedaan gobolka Awdal, waana isku Habar-carfaan, Waxaanay labaduba iska metelaan dedaalada maskaxda iyo muruqa ay soo geliyeen xisbiyadii ay ka kala tirsanaayeen, waxaanan labadaba lagu ballanfuray markii ay goosan lahaayeen midhahii ay soo beerayeen mudada dheer oo ah markii loo tartamayey musharaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiyadii ay ka kala tirsanaayeen, bal haddaba miyeynaan malaysan karin natiijada uu ka dhaxli doono xisbiga WADDANI haduu u badheedho ku ballanfurka musharaxooda, ilayn horaa Soomaali u tidhi “Mala-maleeyana waa ILAAH, Mallo rag baa lagu meelmaraa..” iyo inuu dambarsan doono guuldaro ka soowaajahda tartanka doorashada madaxtinimada soo socota, ilayn horeba way u soo dhacdee.

Musharaxa maanta ku suntami doonto godobta xisbiga WADDANI, ee loo maleegayo in laga galo waa Mr. Axmed Muumin SEED, oo maalintii ugu horeysay ee Gud Cabdiraxmaan Cirro iyo xulafadiisii ku qabsadeen xisbiga UCID, Gudoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe, iyagoo garab kale sheegtay ay maxkamada sare ee Somaliland kala xukuntay, taasoo keentay inay ku dhowaaqaan xisbiga WADDANI, waxuu ahaa nin aan maalina ka leexan difaacidiisa iyo dardargelintiisa muruq, maal iyo maskax, balse maanta waxa muuqata in loo ballamay sidii daaqada looga saari lahaa, iyadoo loo marayo dariiq doorasho golaha dhexe xisbiga waddani, balse la wada ogyahay inuu yahay marmarsiinyo lagu cuganayo musharaxa hogaanka xisbigu horboodayo ee Musharax Maxamed Cali, oo inkastoo aanan garanayn xilliga uu ku soo biiray xisbiga waddani iyo waxuu tacab gashaday, maqalka magaciisa ugu horeysay bulshada iyo annigaba muddo aan kka badnayn billo ama intii qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Waddani soo shaacbaxday.

Guntii iyo gebagabadii odhaah ba aahayd “Dayaxa & Dugsigu isku toosanaa” maanta waxaynu u joogi doonaa mar labaad iyo NABSI laga gelayo musharax Axmed Muumin SEED, oo kolay aniga iyo ummaduba eegi doonto dhaxalka ay ka dambarsadaan xisbiga WADDANI oo ah guuldaro ay gayeysiiso wakhti aan dheerayn, hadaanay ka digtoonaan gelitaankeeda, guuldaradaa xisbiga WADDANI ee doorashada soo socota waxaan qabaa inuu fasirayo riyo aan xalay ku arkay magacaabida wasiirkii ugu horeeyey ee xisbiga ku guulaystay doorashada madaxtinimada soo socota oo ka mid ah golaha wasiirada maanta shaqeeya, markaan isweydiiyey sababteedana arkay kheyraadka dalka batroolka, macdanaha iwm, taasoo anniga iyo ummadaba u fasiraysa shaqsiga uu yahay iyo xisbiga guulastay labadaba, Ilaahay baa u cilmi lehe, ha ii rumeeyee, Amiin.

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye)

mohamoudali33@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.