Geenyo, Furinle, Caabbi Mire, C/Kariin-Jiir, Murtiile & Md. Dheeg oo lagu soo dhaweeyey London – Daawo

FURINLE YURUB IYO DADKA KU SOO DHAWEEYEY LONDON 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Fannaaniinta Caabbi Mire Dacar, Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-geenyo), Faarax-Murtiile oo ay weheliyaan Laxamaystaha Caanka ah ee Cabdikariin-Jiir, Muusigaystaha Axmed-weli Furinleiyo Xildhibaan Dheeg, ayaa gaadhay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaasoo ay dad ka socday qaybaha Jaaliyadda Soomaalida ah ee reer Britain, Saaxiibbo, Taageerayaal gaar ah iyo Xubno Fannaaniin iyo Abwaaniin isugu jiraa ku soo dhaweeyeen Khamiistii Maanta.

FURINLE YURUB IYO DADKA KU SOO DHAWEEYEY LONDON 2016
FURINLE YURUB IYO DADKA KU SOO DHAWEEYEY LONDON 2016

Abwaaniinta, Fannaaniinta iyo Xubnaha kale ee Bahda Fanka Tiir-dhexaadka u ah ku abtirsadaa ka tegeen Hargeysa, isla markaana sii maray Itoobiya oo ay Addis Ababa ka dhoofeen xalay, isla markaana maanta gaadhay magaalada London ee xarunta waddanka Britain oo ay kaga qaybgalayaan Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida (Somali Festival Week) oo sannad walba lagu qabto London, laguna casuumo Abwaaniin, Fannaaniin, Qorayaal iyo qaybaha Bahda Fanka Soomaalida.

Waxaa Toddobaadka Dhaqanka Soomaalia ee Somali Festival Week sannadkan 2016-ka lagu qabanayo London, Xubnaha ka qaybgalaya ee Hargeysa ka tegay ee sida gaarka ah ugu casuumani kala yihiin Guddoomiyaha Kooxda Fanka Xiddigaha Geeska Axmed-weli Ibraahin Maxamuud (Furinle), Yurub Maxamed Cabdi (Geenyo), Caabbi Mire Dacar, Cabdikariin Faarax Qaaray (Jiir) iyo Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ahaa Abwaaniintii Soomaalida ee hore kuwooda hadda nool, waxaanu immika ka mid yahay Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland.

Haddaba, sida loogu soo dhaweeyey Bah-faneedkan Hargeysa ka tegay magaalada London iyo hadallada ay halkaas ka jeediyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon Dhammaan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

London/Britain.