Daawo Qaabka London loogu soo dhaweeyey Fannaaniin, Abwaaniin & Xubno kale oo Hargeysa ka tegay

London(Aftahannews):- Guddoomiyaha Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska Axmed-weli Ibraahim Maxamuud (Furinle) iyo Fannaanadda Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-Geenyo), Fannaanka Caabbi Mire Dacar, Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, Mullaxamka Caanka ah ee Cabdikariin Faarax Qaaray (CKariin-Jiir),  iyo Xubno kale, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada London ee waddanka Britian oo ay kaga qaybgalayaan Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee Somali Festival Week oo sannad walba lagu qabto London.

Xubnahan isugu jira Abwaannada iyo Fannaaniinta, ayaa ka tegay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland Maalin ka hor, iyagoo ka sii baxay xalay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, waxaana socodkooda ku weheliyey Jaamac Muuse Jaamac oo isaga iyo Xaaskiisa Ayaan Cashuur yihiin hoggaamiyeyaasha Ururka Kayd ee soo qaban-qaabiya toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee Somali Festival Week oo sannad kasta Xubno Bahda Fanka iyo Dhaqanka ka tirsan lagu casuumo ama laga qaybgeliyo.

Haddaba, Sida markii ay ka degeen Madaarka London ay ugu soo dhaweeyeen Dad Fanka iyo Dhaqanka ku abtirsada iyo Dadweyne kale oo ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida ee Britain ku dhaqan iyo weliba hadallada Xubnahaasi ka jeediyeen halkaas-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.