63 Qof oo Xanuunno kala duwan ugu soo dhacay Gobolka Sanaag, Waxa Sababay & Baaqa Masuuliyiinta

WARKII U DAMBEEYEY EE XANUUNKA CEEL-AFWEYN 2016

“Waxa noogu daran Gaadiid la’aan oo Gaadhigii Ambalaaska ahaa ee degmada oo 64 Tuulo oo Ceel-afweyn hoos-yimaadda u adeegi jiray wuu fadhiyaa..” Madaxa Caafimaadka Ceel-afweyn Dr. Maxamed Cilmi Raage

WARKII U DAMBEEYEY EE XANUUNKA CEEL-AFWEYN 2016
WARKII U DAMBEEYEY EE XANUUNKA CEEL-AFWEYN 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Ugu yaraan 63 Ruux, ayaa Xanuunnada Xundhurta iyo Shubanka ugu soo dhacay deegaanka Huluul oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ka dib markii Abaar gobolka ka jirtaa sababtay Biyo la’aan, isla markaana ay cabbeen Biyo aan nadiif ahayn, cuneenna Hilibka Xoolaha wayda ah ee Gaajada, Harraadka iyo Awood-darrada ugu dhimanaya deegaannada Abaartu ka jirto sida ay Xaqiijiyeen Masuuliyiinta Caafimaadka iyo Maamulka Sanaag.

ABAARAHA SOMALILAND PHOTO FILE 2016
ABAARAHA SOMALILAND PHOTO FILE 2016

13 Qof oo 4 ka tirsani Carruur yihiin, ayaa Xanuunka Xundhurta u jiifa Xarunta Caafimaadka deegaanka Huluul, halka dadka kale ee goobtaas loo soo gaadhsiiyey Xundhurta iyo Shubanka laga saaray Cusbitaalka, ka dib markii ay ku ladnaadeen dawayn loo sameeyey, sida Madaxa Caafimaadka Huuluul Siciid Ayaanle Dacar iyo Madaxa Caafimaadka degmada Ceel-afweyn Dr. Maxamed Cilmi Raage Khadka Taleefanka ugu xaqiijiyeen Maanta Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Aftahannews.

Madaxa Caafimaadka Huluul Siciid Ayaanle oo aan weydiiyey Xanuunnada Xundhurta iyo Shubanka dadka u soo dhacay tiradooda iyo waxa sababta u ah, waxa uu yidhi; “Dadka Xundhurta iyo Shubanka u soo dhacay deegaankan ee Cusbitaalkan (MCH) la keenay waa 63, 34 waa Dumar, 29-na waa Rag, isu geyn 22 waa Carruur, Sagaal ka mid ahi Wiilal yihiin. Labada Xanuun waxa soo horreeyey Xundhurta oo toddobaadkii hore bilaabantay, Shubankuna wuu ku xigay, dadka intooda badanna waxa ku dhacday Xundhur-dhiig ama Xundhur dhiig wadata, cid u dhimatay ma jirto, waxaanannu dawaynay dadka intii badnayd oo ladnaaday, hadda 13 Afar Carruur yihiin baa jiifa oo dawayntu u socotaa, 13-kuna waxay ka mid yihiin dadkii Xundhurtu ku dhacday. Waxa Xanuunnadan sababaya Abaarta, Biyo la’aanta Abaartu keentay ayaa sababay in dadku Barkado madhanaya oo ay ka dhurteen biyo aan nadiif ahayn iyo cunista Cadka Xoolaha Gaajada, Harraadka iyo waydnimada maalin kasta u dhimanaya ee abaartu laynayso.”

Madaxa Caafimaadka degmada Ceel-afweyn Maxamed Cilmi Raage oo aan weydiiyey waxa sababaya Shubanka iyo dadka u jiifa, waxa uu ku jawaabay; “Dadkan Xundhurta iyo Shubanku ku dhacay, gargaar Caafimaad waannu u fidinnay awooddayada degmo ahaan iyo gobol ahaan-ba,Wasaaraddana Warbixinta waannu gaadhsiinnay oo waa sugaynaa. Haddaad sababta I weydiisayna, waxa weeye Cimilada oo aad u kulul abaarta darteed, Dhulkuna Buuralay iyo Ban u badan yahay, dadku markay in badan gaajoodaan iyagoo kulayl badani hayo markay wax yar cunaan ama cabbaan ayey arkayaan Shubankan iyo Xundhurtan, Biyana ma jiraan, waxii dhooqada iyo hadhaaga ahaa ee Barkadaha madhay ay ka dhurteenna nadiif maaha oo waa waxan xanuunka keenaya, nafaqa-darrana way jirtaa.”

“Annaga Caafimaad ahaan waxa noogu daran Gaadiid la’aan oo Gaadhigii Ambalaaska ahaa ee degmada oo 64 Tuulo oo Ceel-afweyn hoos-yimaadda u adeegi jiray wuu fadhiyaa oo dhinacyo dhawaan degmada shaqaaqo ku dhex-martay ayaa Rasaas Mishiinka iyo meelo kala kala dhacay. Intan haatan goobaha Caafimaadka la soo gaadhsiiyeyna Baabuurta dadweynaha ayaa lagu soo qaaday.” Sidaa ayuu Khadka Taleefanka iigu sheegay Dr. Maxamed Cilmi Raage isagoo ku sugan Ceel-afweyn.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo aan Khadka Taleefanka Ceerigaabo ku weydiiyey inay jiraan wax Gurmad ah oo dadka loo fidiyey iyo inay tirokoob ku sameeyeen dadka iyo duunyada Abaartu saamaysay, waxa uu yidh; “Abaartu hadduun bay meel halis ah maraysaa oo baad la’aanta mooyee intii hore biyo ayaa la haystay, noloshuna waa biyaha, laakiin hadda biyana ma jiraan, markaa dawlad ahaan waa u gurmanaynaa inta awooddayada ah sida Wasiirka arrimaha guduhuba sheegay. Weli Tiro-koob sugan maannu samayn, laakiin waxaan kuu sheegi karaa in abaar darani jirto, dadkaa xanuunku ku dhacayna waa loo gurmaday.”

Abaarta oo sannadihii u dambeeyey ku badnayd Somaliland, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Ciir (Faratoon) oo u warramayey Wargeyska dawladda ee Dawan Isniintii waxa uu sheegay inay Abaartu saamaysay gobollada Sanaag, Sool, Buuhoodle, Bariga iyo Koonfurta Togdheer. Waxaanay Wasiirka iyo Masuuliyiintan kaleba ku baaqeen in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka Abaaruhu saameeyeen.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.