Shukri Bandare: Wasiirad Muujisay Wax-qabad ku Dayasho Mudan – W/Q. Mustafe Cabdi

WASIIRKA DEEGAANKA SOMALILAND SHUGRI XAAJI ISMAACIIL BAANDARE 2016

Marwo Shukri X. Ismaaciil Bandare waxay Rubuc qarnigii ugu dambeeyey (25 sanno) si aad ah uga dhex muuqatay hay’adaha samafalka waddaniga ah iyo weliba masraxa siyaasadda, waxaanay sida la sheegay Somaliland ka aasaastay sannadkii 1995-ka hay’adda CANDLELIGH oo ah ta ugu weyn ee ka shaqaysa horumarinta degaanka, taas oo sida ka muuqata ay gaadhsiisay heer dad badan ku ammaanaan oo wax weyn ka taray dhibaatooyinka baahsan ee gedaaman deegaanka, dedaalkaas oo ay Sanadkii 2011-kii ku mutaysatay abaal-marin Caalami ah oo ay guddoonsiisay Xoghayahii arrimaha dibadda ee dalka mareykanka Hillary Clinton oo waqtigan u taagan musharaxa jagada Madaxweyne-nimo ee dalkaasi.

WASIIRKA DEEGAANKA SOMALILAND SHUGRI XAAJI ISMAACIIL BAANDARE 2016
WASIIRKA DEEGAANKA SOMALILAND SHUGRI XAAJI ISMAACIIL BAANDARE 2016

Hay’adda CANDLELIGH oo markii hore si mug leh ugu hagar baxday wax-ka-qabashada baahiyaha aasaasiga ah Deegaankii aasaaskeedu samaysmay (Degmooyinka Burco iyo Oodweyne), kadibna wax-qabadkeedu wada gaadhay gobolada dalka.  Sidoo kale, Shukri waxay hormood ka ahayd koox dumar aqoonyahanno ah oo unkay dalladda ay ku bahoobeen ururrada haweenka aan dawliga ahayn ee NAGAAD oo iyaduna noqotay hay’ad taabbo-gashay oo kaalinteeda haween badan ku hirtaan.

Horraantii sannadihii labada kun ayey si toos ah ugu gudo-gashay hawlaha siyaasadda, waxaanay sannadkii 2000 xubin ka noqotay Komishankii Doorashooyinka ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland yeelato, waxaanay door muhiim ah ka soo ciyaartay maamulka hawlihii saddexdii doorasho ee ibo-furka u ahaa nidaamka dimoqraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan ee dalka hirgalay dhowr iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafay.

Dadka aqoonta gaarka ah u leh ayaa ku dooda in Madaxweyne Siilaanyo gacanta u geliyey Wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga masuul ehel u ah hawlaha wasaaraddu qaranka ugu xilsaaran tahay, sidaa awgeedna muddada inkastoo duruufo adag oo dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha horyaallaan, haddana kooban ee ay xilka wasiirnimo haysay ku guulaysatay tallaabooyin taariikhda u geli doona oo wax weyn lagaga qabtay qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan ee wehelka u noqday degaanka sida; mamnuucidda tuulooyin cusub oo dalka laga sameeyo, baabi’inta seerayaal badan oo shaqsiyaad gaar ah iska ooteen, ka-hortagga xaalufinta dhirta, wacyigelinta dhir-beerista, tayeynta xafiisyada Wasaaradda ee Xarunta Hargeysa iyo dhammaan gobollada Somaliland, hirgelinta mashaariic khubaro caalami ah ku qiimeeyeen heerka waxqabad ee wasaaraddu taagan tahay, tayada shaqaalaha ka hawlgala, gaar ahaan madax-waaxeedyada iyo waxyaabaha u baahan in laga caawiyo si wasaaraddaasi u buuxiso kaalinta horumarinta degaanka ee masuuliyadeedu tahay.

Waxa kaloo dadkaasi xuseen, in Wasiir Shukri dedaal xooggan oo aan nasasho lahayn u gashay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka baahsan ee naafeeyey degaanka, hammigeeduna yahay inay gaadho guulo waxqabad oo weligeed lagu xasuusto muddada ay xilka hayso.

waxaa sidoo kale dib dayactir lagu sameeyey seerayaashii dabiiciga ahaa ee Daalo iyo Gacan libaax , Debris , lafaruug iyo Geed deeble. Kuwaas oo loo abuuray mashaariic kala duwan oo waxtarleh iskana kaashadeen wasaarada iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Wasiirada Wasaaradda Deegaanku muddadii ay xilka haysay bud-dhigtay Siyaasad iyo qawaaniin ku aadan badbaadinta iyo horumarinta Deegaanka, kuwaasoo fure u noqday hirgelinta suurtogelinta mashaariic Caalamiga ah iyo kuwo maxali ah oo bulshada faa’idaynayo khayraadka Deegaanka iyo qabashada biyo-roobaadka, gaar ahaan kobcinta iyo suuq-geynta xabkaha faleenku (Siiba Moxorka, Beenyadda, Malmalka), iyo sidoo kale mashaariic waa weyn oo ku saabsan qabashada biyo-roobaadka guud ahaan dalka, si looga baxo baahida biyo la’aaneed, kuwaasoo ilaa hadda kii ugu horeeyey ee la bud-dhigay mashruuca biyo-xidhka Dararweyne ee dhawaan Madaxweynuhu dhagax-dhigay, kuwo kalena ay ku daba jiraan, Mashaariicdaasi waa talaabo wanaagsan oo wax ku ool ah oo loo qaaday dhinaca wanaagsan.

Wasiiradda wasaarada deegaanka Marwo Shukri H Ismail Bandare oo  taariikh fiican ku leh dalka Somaliland oo waxqabad dhanka arimaha bulshada iyo Horumarnta haweenka iyo dhalinyarada saaxaddana waxqabadkana ku soo jirtay ilaa sanadkii 1992-kii.

Wasiir Shukri oo dhalasho ahaan kazoo jeeda Deegaanka Oodweyne waxa lagu tilmaamaa xubnaha Golaha Wasiirada si toos ah uga turjumay guud ahaan rabitaanka bulshada Somaliland, taasoo ay  marag-kaceen guud ahaan bulshada ku dhaqan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland. Sidaa darteed-na waxay mudan tahay bogaadin iyo ku dayasho.

W/Q. Mustafe Cabdi

Hargeysa/Somaliland.