Xuska iyo Xasuusta Taariikhda Halgankii SNM ma mid lagu Faana Mise laga Faano? Faallo iyo Warbixinno – Fu’aad Axmed Xuseen

FU'AAD AXMED XUSEEN QORAHA XUSKA SNM MA WAX LAGU FAANAA MISE?

Waxa xusid mudan in sanad walba si weyn oo mugle looga xuso guud ahaan dalkeena Somaliland, taariikhaha kala duwan ee ku suntan halgankii SNM, gaar ahaan taariikhda maalinta shuhadada SNM ee dagaalkii Burco Duurey ee dhacay 17/10/1984 oo ku beegan maalinta Isniinta ee 17/10/2016, Taas oo ay ka soo wareegtey 32 sanadood.

FU'AAD AXMED XUSEEN QORAHA XUSKA SNM MA WAX LAGU FAANAA MISE?
FU’AAD AXMED XUSEEN QORAHA XUSKA SNM MA WAX LAGU FAANAA MISE?

Hadaba haddii aan sharaxo sababta keliftey in aan maqaalkan taariikhiga ah warqad iyo qalin u qaato una soo gudbiyo buslshada Somaliland, gaar ahaan jiilka da’da yar ee aan soo gaadhin wakhtigii halganka, waxa ay tahay in aan wax ka iftiimiyo xaqaaiqa taariikhda dahabiga ah ee uu ku suntanyahay Halgangii SNM oo Caalamku qiray, laguna barto Jaamacadaha waaweyn ee Dunida. Taas oo markaa waajib inagu ah in aynu ku faano oo ku faro adaygno balse aan laga faanin ama aan la isku ceebeyn sida wakhtigan xaadirka ah imbadan oo bulshadeena ka mid ah u dhaqmaan, maxaa yeeley taariikhdu iyadaa is qorta oo isa soo celcelisa si umadaha caalamku ugu cibiro qaataan oo kaga digtoonaadaan ama kaga badbaadaan in mashaakil iyo dhibaato hore u soo maray mar kale ku dhicin .

Sidoo kale waxaan halkan ka iftiiminayaa in ujeedadii halganka dhaqdhaqaaqii Ururka SNM ay ahayd mid ka dhashay dhibaatooyinkii xasuuqa iyo gumaadka Regiimkii Afweyne oo Dalka oo dhan saameeyey, balse u badnaa Goboladii Waqooyi galbeed la isku odhan jirey, gaar ahaan Hargeysa iyo Nawaaxigeeda oo markii u horeysey sanadkii 1997 xaafada malko durduro ee magaalada Hargeysa laga heley lafihii iyo xaabal wadareedyadii xasuuqii rejiimkii Siyaad Barre oo daadku soo faqay. Taas oo ilaa hadda badhitaanadoodu socdaan, oo ka hawlgalaan khububuro Ajaanib ah kadib markii si rasmi ah Caalamku u’aqoonsaday xasuuqii rejiimkii Afweyne oo u badnaa Gobolada Waqooyiga ee Qabiilka Isaaqu dego. Taas oo daliil u’ah in wakhtigan xaadirka ah Maxkamado Caalami ah ku soo oogeen dacwado ka dhan ah Shakhsiyaad ka mida saraakiishii rejiimkii Siyaad Barre ee ka qayb qaatay falalka xasuuqii iyo gumaadkii bushada Goboladii Waqooyi Galbeed ee Somalia.

Sidoo kale waxa daliil cad u ah in dhibaatadii rejiimka Afweyne ahayd mid caam ah oo wada saamaysay bulshada Somaliland haba usii kala bateen, marka la eego sidii arxan darrada ahay ee diyaaradaha loogu garaacay, ee loo burburiyey, dhulkana loola simay Magaaladii Hargeisa ee ahayd Caasimada labaad ee Dalkii Somaliya la isku odhan jiray oo la wada degenaa iyo cuna qabatayntii dhaqaalaha iyo xoriyadda dhaqdhaqaaqa ee guud ahaan lagu soo rogay Gobaladaas aan soo xusay.

Hadaba sikastaba ha ahaatee, haddii aan halkan ka xuso qodobo muhiim ah oo la xidhiidha taariikhda dahabiga ah ee lagu xusuusto sooyaalka halgankii SNM Gudo iyo Caalam intaba, waxa ka mid ah :

SNM oo noqotay Jabhaddii ugu muddo gaabnayd caalamka dhinaca hanashada guusha halganka oo socdey (9) sagaal sano, halka jabhadaha kale ee dunida ay halgamaan in ku dhow amaka badan labaataneeyo sano.

  1. SNM oo noqotay Jabhadda keliya een hal kiis oo la xidhiidha dambiyada [kufsiga, dhaca, tacaddiga iwm] u gelin rikoodhka taariikhda sida ay shaaciyeen wakhtigaas “Hayadaha Caalamigaee Xuquuqal Insaanka”.
  2. SNM oo noqotay Jabhadda ugu dimuqradisan caalamka oo mudadii yarayd ee 9ka sano ahayd, ay xukunka Gudoomiyaha Ururka iska dhaxleen 4 Gudoomiye oo si dimuqraadiya loodoortay
  3. SNM oo noqotay Jabhadii ugu horeysey ee caalamka guudkiisa aan ku dagaal gelin hal Riyaal ama hal Mabda oo Dowlado kale ama Dano shisheeye uga yimid, xataa Dowladii Ethiopia eeay Dalkeeda ku joogeen magan gelyada siyaasadeed. Marar badan oo loo soo bandhigayna, gaashaanka u’daruuray. Taas oo wakhtigaas Caalamka si weyn uga ka yaabisay
  4. SNM oo lagu sifeeyey Jabhadaha faro ku tiriska ah ee guushii halganka kadib, Dalkooda ka badbaadiyey xasuuq iyo dagaal sokeeye, iyagoo la hawlgalay Guurtidii iyo Odey Dhaqameedkiisi loo sameeyo dib u heshiisiin iyo isa saamaxaad bushada Somaliland u’dhantahay. Taas oo lagu guuleystey dedaal badan kadib, iyadoo lagu wacyi geliyey Bulshada in Urururka SNM ladagaalamay kana adkaaday Rejiimkii Dowladii Afweyne oo ka masuul ahayd dhibaatooyinkii dhacay oo dhan. Taas oo sababtay ku dhawaaqidda go’aankii dib ula soo noqoshadamadaxbanaanida Somaliland 18/May/1991.
  5. SNM oo noqotay Jabhadii ugu horeysey caalamka ee fulisa balaqaadkeedii oo ku soo celisa Xukunka Dalka gacanta Shacabka 1993 iyagoo aan haba yaraatee wax shuruud ah ku xidhin,kadib laba sano oo ku meel gaadh loogu sii cumaamada .
  6. SNM oo noqotay Jabhaddii u’ horeysey ee si dhab ah uga hawlgashay hub ka dhigistii iyo dib u dhiskii dalka, kana qayb qaatay horumarka iyo hanaanka dimuqraadiyadeed, ilaa laga soogaadhay wakhtigan xaadirka ah oo uu hogaanka Dalka hayo Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa Ururukii SNM, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ).
  7. SNM oo noqotay Jabhadii ugu horeysey ee xafiisyo diblomaasiyadeed ku yeelata Waddamo waaweyn ee Yurub ka mida sida Dalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Sidaas daraadeed, waxaan ku talinayaa in aynu ku faano oo ku faro adaygno, meelna uga soo wada jeedsano Xukuumad iyo Shicib sidii looga hawl geli lahaa “ururinta iyo ilaalinta iyo daryeelka” guud ahaan taariikhda “Halgankii SNM” oo lagu soo bandhigo Madxafyo iyo Carwooyin lagu daawado, isla mar ahaantaa lagu daro Manaahiijta wax barasho ee Dalka, iyo in loo furo ciwaano (Accounts) lagu ururiyo dhaqaalaha qaadhaanka ku waajibay Bulshada Somaliland gudo iyo dibad iyo dhaqaalaha ka soo xerooda goobaha carwooyinka iyo madxafyada iyo in la dhowro oo la qadariyo xuquuqda iyo xurmada tirade yar ee ka nool Mujaahidiintii Dalka u soo halgamay iyo in loo duceeyo intii ku shahiiday ee naftooda u’sadqaysay, maxaa yeeley murti caam ah ayaa tidhaa <<Umad aan taariikh lahayn, Umad jirta mahaa>>. Wa Billaahi Tawfiiq

Gabagabadii waxa aan halkan ku soo bandhigayaa muqaalo ka turjumaya nidaamka ku haboon qaababka bandhigyada madxafyada iyo carwooyinka ee “ Taariikhda Halgankii SNM”.

Fu’aad Axmed Xuseen

unidriv2000@live.com

Hargeysa/Somaliland.