Xukuumadda oo Xoog Xabsiga Ku Dhigtay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo Maxkamaddu Fasaxday

ABWAAN QORAA MACALLIN SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI)

Hargeysa(Aftahannews):- Abwaan/Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo toddobaadkan xorriyaddiisii dib u helay, ka dib markii ay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex caddaysay inaanu jirin wax denbiya oo lagu helay oo la xidhiidha Kiis mala-awaal ah oo Maamulka Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ku eedeeyey, isla markaana uu u xidhnaa muddo 56 Maalmood ah. Hase-yeeshee, shalay ayaa dib loo xidhay, ka dib markii sida la sheegay Wasiirka Madaxtooyadu amray qabashadiisa.

ABWAAN QORAA MACALLIN SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI)
ABWAAN QORAA MACALLIN SICIID MAXAMUUD GAHAYR (HARGEYSAAWI)

Go’aanka ah in dembi lagu waayey Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo sidoo kale ka mid ah Macallimiinta Dugsiyada sare ee dowladda wax ka dhiga, waxaa ku dhawaaqay Garsoore Khaalid Cabdi Shiil Sabtidii toddobaadkan. Abwaan Gahayr, ayaa intii uu ku xidhnaa Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa afar jeer Maxkamadda la hor-keenay oo saddexdii jeer ee ugu horreeyey ay socotay dhegaysiga Dacwaddu, markii afraadna ay Maxkamaddu ku dhawaaqday go’aanka ay xorriyaddiisa dib ugu soo celisay.

Hase-yeeshee, markii la sii daayay Siciid Maxamuud Gahayr, ayaa sida uu baahiyey Wargeyska Somalilandtoday oo aannu warkan ka soo xigannay dib loo xidhay mar labaad, waxaanu warkani intaas ku daray in Xeer-ilaalinta iyo Booliska Amar ka sarreeya lagu qabtay Qoraa/Macallin Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mida dhalinyaradda reer Hargaysa ee hormoodka ah.

Inkastoo aanay jirin warar si rasmiya u shaacinaya Amarka labaad ee lagu xidhay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) halka uu ka yimi, haddana waxa jira ilo-wareedyo uu Wargeyska Somalilandtoday ku tilmaamay kuwo lagu kalsoon yahay oo uu ka soo xigtay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo aan jeclaysan go’aanka ay Maxkamaddu ku fasaxday, kuna shaacisay in lagu waayey wax dembi ah ee ay ku sii ddaysay uu soo bixiyey amarka ah in dib loo soo xidho.

Siciid Maxamuud Gahayr, ayaa sida ay caddaysay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Kiiskiisa qaadaysay in muddadaas labada bilood ku dhaw ee 56 cisho ku sugan uu ku xidhnaa kiis samays u badan oo aan cid ku caddaynaysaa jirin, taasoo macneheedu yahay inuu ku xidhnaa awood iyo sifo aan sharci ahayn.

Waxaa Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf oo dhibbane ka ahaa Kiiskan uu ku soo eedeeyey inuu ku kacay abaabul ka dhan ah nabadgelyada, isla markaana wax ka qoray hannaanka Madaarku u shaqeeyo. Maamuluhu kiiska uu ku soo eedeeyey Abwaanka Siciid Gahayr, haddana isla Maamule Maxamed Yuusuf ayuun baa Markhaati ka ahaa aan haysan wax kale oo Markhaatiyo ah oo uu Maxkamadda horkeenay.

Hase-yeeshee, Siciid Maxamuud Gahayr, ayaa ku dooday inaanay jirin wax abaabul iyo kicin dadweyne ah oo uu ku kacay, balse qirtay in ay jiraan Warbixinno iyo Faallooyin uu ka qoray Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa oo uu ku baahiyey Bartiisa Facebook iyo Shabakado Aftahannews ka mid yahay, taasna aanay jirin wax u diidayaa haddii uu hayo xog cad ama uu fikirkiisa cabbirayo sida uu Muwaaddiniinta u dammaanad-qaaday Dastuurka Qaranka Somaliland iyo Xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ah ee la xidhiidha Xorriyadda Hadalka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.