Somaliland: Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo Aqoon-kororsi Doorka Maaraynta Shaqaalaha ah Furay

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dowladda Sharmaarke Axmed Muxumed, ayaa Aqoon-korodhsi la xidhiidha Maaraynta doorka Shaqaalaha oo ay ka faa’iidaysan doonaan Shaqaale ka socday qaar ka tirsan Hay’adaha kala duwan iyo Wasaaradaha dowladda Somaliland.

Waxaanu aqoon-korodhsigani bilaw u yahay Mashruuc Aqooneed lagu tayeynayo Shaqaalaha dowladda oo socon doona muddo saddex sannadood ah sida ay sheegeen Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha dowladda Somaliland, waxaanay Xubnaha Hay’adda u hadlay qaarkood intaas ku dareen inay soo socdaan fursado kale oo muhiimaddooda leh oo la xidhiidha tabobbarrada la xidhiidha tayeynta Xirfadaha iyo Aqoonta kale ee Shaqaalaha dawladda.

Haddaba, Kulankaas aqoon-korodhsiga ahi sidii uu u furmay, inta uu soconayo, Khudbadaha Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Sharmaarke Geelle iyo Masuuliyiinta kale ka jeediyeen Furitaankii kulankaas, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.