Xukuumadda oo Ku Fashilantay Kala Xadaynta Ganacsiga & Shacabka oo la il-daran Naxariis-darada Maalin ku Taajirka

WASIIRKA GANACSIGA SHUCAYB MAXAMED MUUSE IYO WASIIRRO KALE 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa lix Sannadood oo ay Xilka hayso ka dib ka hadashay Ahmiyadda kala-Xadeynta Ganacsigu u leeyahay Dadka iyo Dalka Somaliland. Waxaanay wax Sharciyad ah oo lagu kala xadeeyo Ganacsiga haynin, walloow ay sheegayso in hawshiisu meel wanaagsan u mareyso.

WASIIRKA GANACSIGA SHUCAYB MAXAMED MUUSE IYO WASIIRRO KALE 2016
WASIIRKA GANACSIGA SHUCAYB MAXAMED MUUSE IYO WASIIRRO KALE 2016

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed ayaa sheegay in kala-xadeynta Ganacsigu uu muhiim u yahay Ganacsatada, hasa-ahaatee in fulinta Arrintaasi u baahan tahay Sharciyad, “Kala xadeynta Ganacsiga in badan baa ku cel-celiyey oo waa waxa ugu muhiimsan ee biyo kama dhibcaanka ah in Tallaabo laga qaado, si Ganacsigu u noqdo Ganacsi hufan oo Xalaal ah.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Kala xadeynta Ganacsigu waxay u baahan tahay Sharciyad, arrintaasina hawsheedii baanu ku jirnaa oo meel fiican bay noo mareysaa.”

Wasiirka Ganacsiga oo u warramay Telefiishanka Bulsho, ayaa sheegay inay jiraan Bangiyo doonaya inay Somaliland Maalgelin ka sameeyaan, “Ganacsigu kama maarmayo Bangi oo Baananku waa waxyaabaha ugu muhiimsan. Bishii hore Shirkii Maalgeshiga ee aanu ku qabanay Hargeysa waxa ka soo qayb-galay Baanan badan oo danaynaya inay yimaaddaan (Somaliland), laakiin waxa ka horeeya Sharci, Sharcigiina wuxuu hor-yaallaa Baarlamaanka, waxaana imanaya Baanan ku shaqeynaya Nidaamka Islaamka oo Dalka Maalgelin ku samaynaya isla-markaana xoojinaya Baanankii hore, annaguna waanu soo dhaweynaynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay jiraan Ganacsato aan haysan Liisamada Ganacsiga ee Dawladdu bixiso, “Way jirtay in Ganacsatadu aanay Liisamada Ganacsiga xog u lahayn, laakiin imika waanu is-fahanay oo waxay ballan-qaadeen in Ganacsatadii uu ka dhinaa (Liisanka Ganacsigu) qaadanayaan.”

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli Shacabka Somaliland uu waajahayo Dhaqaale xumo ka dhalatay kala xadeyn la’aanta Ganacsiga, maaddaama oo ay meesha ka baxeen Ganacsatadii yar-yarayd ee ka sii macaashi jiray Alaabooyinka ay ka sii iibsadaan Ganacsatada waaweyn ee Dalka dibaddiisa wax ka soo dejisa, ka dib markii Shirkadaha waaweyni isku darsadeen inay soo dejiyaan Allaabooyinka isla-markaana ay iyagu sii tafaariiqeeyaan.

Suuqyada Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay, ayaa waxa lagu arkaa Gaadiid yaryar oo Shirkadaha waaweyni u adeegsadaan sii tafaariiqeynta Allaabooyinka ay dibadda ka keenaan, taasi oo iyaduna culays dhaqaale ku abuurtay Dadkii lahaa gaadiidka yaryar ee wax ka heli jiray reridda Allaabooyinka Shirkadaha laga iibsado.

Himilomedia.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.