Somalia: Beesha Caalamka oo War-Murtiyeed ka soo saartay Xubno loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamanka

BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYA TAAGEERTA IYO WALAACA CUSUB 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Ururrada iyo Dawladaha Beesha Caalamaka ee Soomaaliya taageera, ayaa si weyn uga soo horjeestay in Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka lagu soo daro Xubno Taariikhdu ku xustay inay ku jiraan Liiska Hoggaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya dagaallada Sokeeye kaga qayb-qaatay Buruburka dowladdii Millateriga ahayd ka dib iyo kuwa ku xusan Liisaska Ururrada Xag-jirka ah loo aqoonsaday ama lagu xidhiidhiyey.

BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYA TAAGEERTA IYO WALAACA CUSUB 2016
BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYA TAAGEERTA IYO WALAACA CUSUB 2016

War-Saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen Ururro iyo dalal dhawr ah oo ka mid ah kuwa Beesha Caalamka ee Soomaaliya Taageera, ayaa lagu sheegay in ay walaac ka wayn ka qabaan in loo soo magacaabo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xubno ka tirsanaa ama ahaan jiray Qabqablayaal Dagaal ee Soomaaliya ku dagaallami jiray.

Warbixintan oo ay si wada-jir ah Maalintii Axadda ee shalay soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub, dawladaha Itoobiya, Sweden, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Maraykanka, ayaa lagu yidhi; “In Magacaabista iyo doorashada dhici karta in la doorto Shakhsi kasta oo ka masuul ahaa Colaadihii sababay ama keenay dagaalladii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay, waxay ka dhigantahay tallaab dib u dhac ah xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso inay furto bog cusub.

Tan waa inay Xisaabta ku darsadaan dhammaan inta arrintu khusayso ee muhiimka ah maaddaama oo ay socoto u codeynta Musharrixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo Xubno dhan 14,025 oo Ergo doorasho ah la isku keenayo Muqdisho dabayaaqada bishan si ay u doortaan Xubnaha Golaha Shacabka.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaas Wada-jirka uga soo baxay Ururrada iyo dowladaha Beesha caalamka.

War-Saxaafadeedkaas wada-jirka ah oo sii socday, ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo kalsooni ay dadka Soomaaliya iyo duniduba ku qabaan Hay’adaha qaranka ee la dhisayo intaanu sannadkani dhammaan; si ay sees adag u yeeshaan oo dadku ugu wada qanci karaan.

Warbixintan oo sii socotay, isla markaana arrimahaas lagu dul-istaagay, waxaa lagu yidhi; “Dadka Soomaaliyeed iyo weliba Saaxiibbada Soomaaliya ee Caalamka waxay mudanyihiin inay kalsooni ku qabaan Hay’adaha samaysmaya ee kasoo baxaya geeddi-socodka doorasho ee hadda socda. Waa in dedaal kasta lagu bixiyaa sidi lagu xaqiijin lahaa in geeddi-socodka ay kasoo baxdo magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo Xafiisyada dawladda, kuwaasoo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabista Hay’adaha dawladda iyo gaar ahaan Baarlamaanka cusub ee la dhisayo.”

Warbixin uu shalay soo saaray Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM, ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo heshiis hore la isula gaadhay oo dhigaya inaan Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu soo darin dad ka tirsanaa Hoggaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya ka jiri jiray amaba iyagu hoggaamin jiray, waxaanu si gaar ah isu dul-taagay in Liiska Xubnaha la soo xulay ee Maamul-goboleedyadu soo doorteen Sabtidii laga saaro, kuwaasoo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Maamul-goboleedka Galmudug Jeneraal Cabdi Qaybdiid oo Xubnaha Galmudug u meteli doona Aqalka Sare ee la doortay Sabtidii ku jira.

Sidoo kale, Jeneraal Maxamed Siciid Moorgan oo uu sheegay inuu ka tirsanaa Saraakiishii dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya ee sida wayn farta loogu godo inay geysteen Xasuuq Shacab, isla markaana ka mid ahaa Hoggaamiye-Kooxeedyadii Soomaaliya ka dillaacay Burburka dowladdii Millateriga ahayd ka dib oo lagu soo daray Xubnaha Maamul-goboleedka Puntland u meteli doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Waxaanu soo jeediyey inay Galmudug iyo Puntland liiska Xubnaha la doortay ka saaraan Kornayladaas Hoggaamiye-kooxeedyada soo ahaa.

Waxa kale oo uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, waxa uuMaamul-goboleedka Jubbaland, ka dalbaday in ay Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ka saaraan Cabdifataax Maxamed Cali oo uu sheegay inuu hore ula soo shaqeeyay Ururkii Xisbul-Islaam ee uu hoggaamiyaha ka ahaa Xasan Daahir Aways oo markii dambe la midoobay Al-Shabaab, hase-yeeshee, 2013-kii mar dagaal dhex-maray isa soo dhiibay.

Hase-yeeshee, Waxa lagu soo warramayaa in Wax-garadka iyo Odayaasha qaybta ka ah Xulliinka Xubnaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Maamul-goboleedyadaas ay qaarkood ku doodayaan in aanay Beesha Caalamku xaq u lahayn in ay iyadu ka taliso cidda dadku u soo xulanayaan in ay uga qaybgalaan Aqalka Sare iyo Ka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhismihiisu bilawga yahay hadda ee beddeli doona Xildhibaannadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wakhtigiisu dhammaaday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ee xarunta Maamulkaas Isniintii Maanta, ayaa ku dooday inaanay Beesha Calaamku xaq iyo xuquuq toona u lahayn inay Soomaaliya u yeedhiyaan Xubnaha ay Baarlamaanka u soo xulanayaan, isla markaana dalbadaan in Xubno Muwaaddiniin ah oo Dadkooda iyo Maamulladoodu soo doorteen laga saaro Liiska Xildhibaannada la doortay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.