Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlay Geerida Wasiirka Caafimaadka Aabbihii Ciise Axmed Kaar

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA SOMALILAND CABDIRAXMAAN SAYLICI

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ayaa Tacsi u diray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Aabbihii Ciise Axmed Kaar Sabtidii Maanta ku geeriyooday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA SOMALILAND CABDIRAXMAAN SAYLICI
MADAXWEYNE KU-XIGEENKA SOMALILAND CABDIRAXMAAN SAYLICI

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo sidoo kale ah Ku-simaha Madaxweynaha, waxa uu Ehelka, Qoyska, Asxaabta iyo Qaraabada Allaah uga beryey inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, Marxuumkana Janatul-Fardawsa ka waraabiyo. Waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed kooban oo Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweyne Ku-xigeenka Xambaarsanaa oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada, waxaanu Nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Aftahannews u dhignaa sidatan:-

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN .. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxweynaha Somaliland, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, garaadada, boqorada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaasha, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLA ha u naxariistee Marxuum Ciise Axmed Kaar oo maanta (15.10.2016) ku geeriyooday magaalada Burco. Waxaanu si gaara uga tacsiyadaynayaa ku simaha Madaxweynuhu, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo marxuumku aabbihii ahaa.

Waxaanu ku si feeyey Madaxweyne ku xigeenku Marxuumka oday rug-cada ah oo si weyn uga soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka, gaar ahaan xagga Nabadgelyada iyo horumarinta Bulshada Somaliland ku wada dhaqan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, garaadada, boqorada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaasha, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Tacsida Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Xambaarsanaa ee soo gaadhay Aftahannews.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.