Guddoomiye Cirro oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir oo Hooyadii Geeriyootay

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA IYO WADDANI CABDIRAXMAAN-CIRRO 2016

“Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka Xildhibbaannada, Hoggaannada, Guddiga Fulinta, Garabbada Dhallinyarta iyo Haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir, oo geeri naxdin lihi ku timi Hooyaddii Marxuumad Deeqa Xuseen Naalleeye oo maanta 06/10/2017 ku geeriyootay magaalada Hargeysa, oo Jimcaha Berri Sagaalka iyo Badhka Subaxnimo lagu aasi doona Xabaalaha Naasa-hablood ee duleedka magaalada Hargeysa haddii Illaahay yidhaahdo.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA IYO WADDANI CABDIRAXMAAN-CIRRO 2016
GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA CABDIRAXMAAN-CIRRO 2016

Cabdiraxmaan-Cirro, waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah u dirayaa eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuumaddu, isaga oo ku siffeeyey in ay ahayd adoon wanaagsan oo Alle ka casbi badan sida oo kale na u sama-fali jirtay dadka danyarta.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro),  waxa uu ugu dambeyntii uu Marxuumadda Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa, Ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo weli ba guddoomiyaha Wargeysak Ogaal na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin… INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa/Somaliland.”