Bahda Aftahannews Waxay Tacsi u Dirayaan Muuse Faarax Jaambiir oo Hooyadii ku geeriyootay Hargeysa

TACSI

Bahda Warbaahinta Aftahannews/Media, guud ahaan Maamulka, Masuuliyiinta, Weriyeyaasha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee Aftahannews waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Faarax Jaambiir oo Hooyadii Deeqa Xuseen Naalleeye Duhurnimadii Khamiista Maanta ku geeriyootay Cusibtaalka International Huspital ee magaalada Hargeysa, iyadoo Sagaalka iyo Badhka Subaxnimada Jimcaha ee Berri lagu aasi doono Xabaalaha Naasa-hablood ee duleedka magaalada Hargeysa haddii Illaahay yidhaahdo.

TACSI
TACSI

Waxaan Allaah uga baryeynaa inuu Marxuumadda Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo Asxaabta ay ka baxday Insha ALLAAH. Aammiin……Aammiin…………..Aammiin… Allaah ha aqbalo Insha Allaah. INNAALI LAAHU WA INNAA ILEYHI RAAJUCUUN.