Dalka ugu Nasiib-darran Adduunka! Qalinka: Deeq Yousuf Ducaale ( Deeq Shugri)

Flag of Democratic Republic of the Congo

Standleyville waa magacii hore ee magaladdan aan daganahay ee Kisangani, magacani oo ka yimid biyo mareenkii daahfurey qarnigii 19-aad dalka Kongo oo la odhan jirey Henry Morton Stanley una dhashay dalka Ingiriiska. Dalku waxa uu leeyahay taariikh aad u dheer tan iyo waagi ay ka talin jirtey Boqortooyo la odhan jirey Boqortooyadi Kongo, Boqortooyadaasi oo ka talin jirtey waddamo badan oo Afrikada Galbeed ah.

Flag of Democratic Republic of the Congo
Flag of Democratic Republic of the Congo

Dalkani waa dal aad u baaxad wayn oo leeg rubuc ka mid ah Qaarada Yurub, waxa uu Allaah SWT ku maneystay biyo aad u fara badan, waxaana dhex mara Webiga labaad ee Adduunka ugu wayn, ee loo yaqaanno Webiga Kongo iyo sidoo kale Kaynta labaad ee ugu wayn Adduunka. Webiyada badan iyo Kaymaha badan waxa u dheer Cimilo aad u macaan badan iyo Ciid ama Carro wanagsan oo ay wax waliba ka bixi karaan.

Dhulka Congo (Democratic Republic of the Congo), waxa uu la dihinyahay ama ka buuxa oo jiifa Kayd fara badan oo Macadano ah oo ay ka mid yihiin Kober, Dahab cas iyo Dahabka cad-ba, Dheeman Cobalt iyo Yuraaniyam iyo xitaa Shidaal, oo dalka ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka Adduunka ugu dhaqaalaha badan.

DEEQ YUUSUF DUCAALE SEED (DEEQ SHUGRI)
DEEQ YUUSUF DUCAALE SEED (DEEQ SHUGRI)

Waxa kale, oo uu qani ku yahay Rabadhka laga sameeyo Taayirrada iyo dhamaan aaladaha Balastigga, waana dalka labaad ee Adduunka ugu soo-saarka badan Rabbarka. Sidaas ooy tahay haddana Congo waxa weeye dalka Caalamka ugu rejada-xun.

Dagaallada Sokeeye iyo dhibta sahayatey nolosha dad badan, hormar iyo xasillooni la’aanta ka taagan dalkan Congo loogama horayn imaantinkii waddamada reer Galbeedka, qayb-qaybintii iyo hubayntii Qabaa’illadda deggan Congo, ka hor intii aanay iman Gumaystayaashii reer Galbeedku nolosha dadka iyo dalka Kongo waxay ahayd mid xasilloon, oo hormar ballaadhani ka jirey. Balse faragelintii iyo kala-qaybintii uga timid Boqortooyadii Biljamka ee Leobold, ayaa ah sababta uu dalkani u degi layahay illaa haatan.

Si kasta oo ay dalkani uga dhaceen dagaallo sokeeye oo badan, haba ugu sii darnaadeen kuwii ka dhacay 1996 illaa 2003-dii, oo ay ku nafwaayeen 5.4 Milyan oo Qof (Shan Milyan iyo Badh Qof). Kuna barokaceen 2.5 Milyan oo Qof (Laba Milyan iyo Badh Qof). Dagaalkani ma ahayn keliya dagaal Qabaa’illo dhex-maray oo qudha, waxa uu hirdan dhexmaray 20 Kooxood oo kala dano gaar ah lahaa, oo ay ka mid ahaayeen Sagaal dal oo ka mida dalalka Afrika, oo ay hoggaanka u hayeen waddamada deriska la ah Kongo sida Rwanda iyo Uganda. Koongo-na waxay noqotay Garoonki dheeshaas lagu dhex ciyaarayey.  Haddana dhacdadan iyo kuwo kale oo badani weli uma aysan noqon tusaale ay wax ku qaatan dadka reer Kongo.

Sababo badan awgood, waxa hirgalay qorshahii dheere ee ay lahaayeen gumaystayaashii wadamada reer galbeedka ee u dajisnaa, oo soo soconayay muddo qarniyo ah, taasi oo ay mar walba dilayeen ama ay maskaxda iyo xididada mufakarnimo ba ka baqtiinayeen kana suurinayeen dadkii ama indheer garatadii u kaci lahayd dalkani.

Tusaale, Patrice Lumumba oo ahaa Ra’iisal-wasarahii dalka Congo DRC 1960-ki, isaga oo Masuul Qaran ahaa waxaa dil fool-xun loogu diley Caasimada gobolka Kataanga DRC, waxaana diley Badhasaabkii gobolkaas oo la odhan jirey TSHOPE, iyada oo waqtigaas jidhkiisa la googooyey ka dibna Dab laqabadsiiyey. Waxa aad heli karta Qoraallo iyo Buugaag badan oo faaqiday dilkii Lamumba.

“Lamumba ma noola, mana dhiman,

Muuqiisa la waayo  mooyaane                        

Inuu maqan yahay hamoodina”

Hees Baroor diiq ah, Abdilahi Qashe iyo geeridaasi lamumba

Bal qiyaas hadda ugu yaraan umad saddex qarni maskaxda laga gumaysanayay, oo loo diiday hormar dhan walba ah, gaabisna laga dhigay noloshoodi. Bixistii gumaysiga, Beljamku waxa uu talada dalka isugu dhiibay iyadda oo aanu dalkani lahayn hal aqoonyahan, hal dhakhartar amaba hal injineer oo dalka wax loo baray ama ubartay. Hase ahaatee waxaa kale oo xitaa la hubsaday marka dalku xoroobo in aan la helin, dad indhee-garad ah oo dalka u dhashay oo wax xukumi kara.

Sidaa darteed madaxbannaanidii la gaaray sanadkii 1960kii ayaa waxay ahayd mid la saadaalin karay in ay ku dhammaaneyso masiibo aan la mahadin.

Tusaale yaal badan oo xay ah waxa aad ka heli karta buuga uu qorey qoraaga MARK TWAIN oo ku saabsan dalka congo. Waxa kala oo tusaale yaal nool u noqon kara, intabcadii gumaystayaasha reer galbeed la rabeen dalka congo, ay la heleen maamuladii kala danbeeeyey ee soo qabtay talada dalka, ka hor maamulkii lasoo doortay 2006 dii. Hadii aan dul joogsaddo midka mid ah garaadka iyo aragtidii mid ka mid ahaa hogaamiya yaashi wagaas, is qancin iyo isu bogis uu  u bogay awoodiisa waxa uu badaley macaciisii oo ahaa Mobutu oo xukunka qabsaday Sanadkii 1972. Waxa aanu noqday kaligii taliye.  Wax aanuu magaciisii u beddelay waagasi Mobutu Sese Seko Nkuku Wa Za Banga, oo macnaheedu yahay dagaalyahanka awoodda buuxda leh ee kara wax kasta. hasayeeshee reer galbeedku way u dulqaateen maadaama ay macdantu iyo khayraadka dalku u socotay xaggooda, dalka Congo-na uu dibadda ka joogay xerada midawgii Soviet-ka, midawga soviet oo ahaa awooda kaliya ee u dhigantay reer galbeedka, ama cadawgii reer galbeedka ee waagaasi.

2006 dii waa afartan iyo lix sanno kadib waagi gumaystaha iyo waayahii xumaa ee mindi iskugu dhiibka qabaa’iilada congo, intii lagu gudo jirey 46 kaasi sanno ee hore dagaalada sokeeye ee la iskaga hor keeno dadka kongo waxaa iyanna dhinac socotey xeeladaha siyaasadihii dagaalkii qabooba ee dunidda, iyo soo saarista jiilal iyo dadyow carbisan aadna u tababaran, oo la aragti iyo mabaadii’ba ah isla gumaystayaashi reer galbeed ee hore, isna soo garabtaaga una adeega danaha reer galbeed iyaga oo sheeganaya aqoonyahanadii iyo indheer garadkii dalka. Wax-na usoo baranaysay mudadaasi dheer kuna doodayay inay dalka ka saari doonaan xaladahan adag. Xaqiiqdunna waxay tahay in laga soo hagayey meelo kale, iyadda oo islamarkaasina cududda dhaqaale iyo taageraba ay ka helayeen dawaladiihi reer galbeedka ee ay danahoodu ka dhex socdeen dalka Kongo.

Joseph Kabila oo ah Madaxwayanaha hadda ee dalka Congo, waxa uu haya talada hoggaanka dalka muddo dhan 15 sano, ka dib, markii uu talada dalka kula wareegay dil qorshaysan oo lagu diley Aabbihii Laurent Kabila sannadkii 2001-dii. Madaxwayne Joseph Kabila waxa doorasho Dimuquraadi ah loogu doortay 2006-dii, iyada oo mar kale oo labaadna uu dib ugu guulaystay doorashada 2011-kii. Inkasta oo muddo-xileedkii sharciga ahayd ku eegtahay 2016 bishan Sagaalad, Runtii Madaxwaynuhu wax waa qabtay isbeddel dhinacyo badan ahna waa sameeyey. Laakiin, weli wax badan ayaa qabyo ah, oo aan weliba rejo laga qabin inay qabsoomaan marka loo eego aragtida iyo ficillada dadka reer Congo iyo Aqoonyahankoodaba, dalku dal ahaan waa midaysanyahay. Laakiin, Maamul gudaha ahaan maya, aragti ahaanna aad ayay u kala fikir fogyihiin.

Illaa hadda waxa jira Mucarad badan oo goobo badan oo dalka ah ka dagaallama, markastana dhib, dhimasho naf iyo maalba leh u gaysta dadka reer Koongo iyo Ajaanibta kaleba. Mucaaradka ayaa laba ah, mid hubaysan oo duurka ku jira iyo mid ka kooban Siyaasiyiin aad u Madax adag oo aan kaba yaraysan kuwa duurka ku nool.

Runtii marka la isku qabto arrimo Siyaasadeed, Siyaasiyiintu waxa ay si arxan-darro ah u isticimaalaan Shacabka oo marka hore ba u badnaa danyar iyo dad aragti gaaban, inta ay samaynayaaan Bannaan-baxyada iyaga dhexdooda ayaa wax isku gaysta, inta soo hadhana dawladda ayaa laysa Rayidka.  Marka loo yimaaddo tan Mucaaradka hubaysani iyagu marka ay doonaan iyo magaaladda ay doonan ayay soo galaan ku la’aayaan dad kuna booban maal badan,  kadib duurka ayay iskaga noqdaan…..  Tan iyo waagaasi horeba kama dhamaanin dalka Kongo iska hor imaad sababa dhimasho iyo dhaawacba, iyadda oo ay ugu danbaysay mudaharaadiyo badan oo lagaga soo horjeedo dawlaadda hada waqtigeedu dhamaaday. Caasimadfa Nord Kivu Muddaharaad lagaga soo horjeeday Xukuumadda hadda ayaa waxa ku dhintay 50 Qof oo Shacab ah Bil ka hor.

Haddaba, iyada oo ay sharciyaddii Xukuumaddan taladda haysaa ay dhammaatay, doorasho hadda diyaar ahina aanay jirin.  Waxaa hanjabaado cabsi-geliyey dadka u dhashay dalkan iyo dadyawga kale ee Ajaanibka ahba, ay kasoo yeedhaysaa Xisbiyada Mucaaridka ah ee ka jira dalka, iyada oo aad looga cabsi qabo in dalku haddana dib ugu laabto fawdo kale. Amniga dalka ayaa waxa gacanta ku haya Ciidammo dawladda ah iyo Ciidammo aad u tiro badan oo ka socda Qaramada Midoobay. Sidaa awgeed, waxa uu u muuqdaa inuu waddanka Congo yahay dalka ugu Nasiibka daran dunida, sida cawaanka Mawduucan ka muuqata ama aan u qaadannay-ba.

Geesiga madoow uma oggala, guusha reer Yurube

Geerida Lamuumbaa Wadnuhu, noo gig leeyahaye

Geesigu goortu qabtee, Gees isugu leexshay

Iga guura Galabtuuy idhaa, Geeddan loo xidhaye…

Godka waxaa u qoday Haamarshool, waa Gedduu wadaye

Maantaba hadday Gowraceen, way ka gama’yaane

Doollarku meeshuu galaba, waa Genbiyi jiraye

Ninkii dunida kala gaabiyaa, Garabsanaysaane

Raggan Gacanta haystow Wallee, saad-danbaad garanne,

Qudheennani intaynaan Geb odhan, yayna kala gaadha

Haddii kale-se goor aan fogayn, gowda ba; aan eegno..”

Cabdillaahi Suldaan Timacadde , waa Baroordiiq hore oo Abwaanku ugu talo-galay Ra’iisal-wasaarihi Lamumba ee la dilay, waxa-se ku jira talooyin iyo murti Somaliland iyo ummadaba anfaca.

Mahadsanid

W/Q Deeq Yousuf Ducaale Sed ( Deeq Shugri

M International Relations and Diplomacy

Independent consultant

+243/825067832/847191312/978923322

Zeed@live.co.uk or Zeedfour@gmail.com

Kinshasa, Congo DRC.