“Dhergigii ayaa Doonaya inay Itoobiya dib u qabsadaan, Mana Aqbalayno..” Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar

BANNAANBAX KA DHAN AH OROMADA IYO AXMAARADA OO JIGJIGA KA DHACAY 2016

Jigjiga(Aftahannews):- Shacabka iyo Masuuliyiinta dolwad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa Bannaan-bax ballaadhan shalay ka sameeyey magaalada Caasimadda u ah ee Jigjiga, kaasoo ay kaga soo horjeedeen Muddaharaadyada dowladda Federaalka Itoobiya lagaga soo horjeeday ee tan iyo sannadkii hore ku soo noqnoqonayey deegaannada Oromada iyo Axmaarada ee waddanka Ethiopia.

BANNAANBAX KA DHAN AH OROMADA IYO AXMAARADA OO JIGJIGA KA DHACAY 2016
BANNAANBAX KA DHAN AH OROMADA IYO AXMAARADA OO JIGJIGA KA DHACAY 2016

Bannaanbaxa Salaasadii shalay ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa Shacabka waxaa kala qaybgalay Masuuliyiinta kala duwan ee Dowlad-deegaanka oo uu ugu horreeyey Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxxamuud Cumar, oo khudbad kulul oo uu Muddaraadyadaas kaga hadlay ka jeediyey, isla markaana sheegay inay Dhergigii laga xoreeyey Itoobiya doonayaan inay dib u qabsadaan dalka iyagoo Magacyo kale wata, taasna aanay aqbali doonin Soomaalida Itoobiya.

Dadweynaha ayaa iyaga oo Boodhadh iyo Calammada Federaalka Itoobiya iyo ka dowlad-deegaanka sita marayey Waddooyinka waawayn ee magaalada Jigjiga, iyagoo isugu biyo-shubtay markii dambe Garoonka Kubbadda Cagta ee Jigjiga, halkaasoo ay Masuuliyiinta dowladdu kala hadleen dadweynaha, isla markaana Shacabkuna ka hadleen waxa ay diiddan yihiin ee sababay inay isu soobaxan sameeyaan.

Haddaba, Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inay Itoobiya Itoobiya ku ahaan karto nidaamka Federaalka iyo Dastuurka u degsan ee Federaalka. Waxa uu intaas ku daray in Muddaharaaddada ka socda gobollada Oromada iyo Axmaarada yihiin kuwo sharci-darro ah oo la doonayo in dowladda lagu carqaladeeyo. Hase-yeeshee, aanay Soomaalida Itoobiya Shacabkeeda iyo Dowladdeedu toona aqbali doonin in mar labaad Dhergigii laga xoreeyey Itoobiya dib ugu soo noqdo.

Waxaannay Bannaan-baxaas Jigjiga ka dhacay, Hadallada Shacabka, Masuuliyiinta kale iyo Khudbadda Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar-ba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.