Tirada Ciidammo Galmudug ka tirsan oo Diyaaradaha Maraykanka & SPI-da Puntland ku laayeen Bariga Gaalkacyo

DAD JOOGA GOOBTII LAGU DUQEEYEY CIIDANKA GALMUDG 2016

Gaalkacyo(Aftahannews):- 22 Askari oo ka tirsan Ciidammada Maamulka Galmudug, 16 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii ay Duqeeyeen Diyaarado ka tirsan kuwa dagaalka ee Maraykanka iyo Ciidammo ka tirsan Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo weerar ku qaaday Xero Ciidammada Galmudug ku lahaayeen Bariga gobolka Mudug, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed).

DAD JOOGA GOOBTII LAGU DUQEEYEY CIIDANKA GALMUDG 2016
DAD JOOGA GOOBTII LAGU DUQEEYEY CIIDANKA GALMUDG 2016

Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed), ayaa sheegay inay dhibaatada halkaas ka dhalatay Masuul ka yihiin Ciidammada PSI loo yaqaanno ee Maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay markii Diyaaraduhu duqeeyeen Xerada Ciidammada Galmudug ay ku lahaayeen deegaan u dhaw meesha lagu magacaabo Jeexdin, taasoo mastaafo ahaan 25-KM geesta Bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidammada oo Xalay Duqayntaas loogu geystay Bariga magaalada Gaalkacyo, ayaa halkaas ka waday wakhtigan duqaynta iyo weerarka wada jira loo geystay Biyo-dhaamin ay u samaynayeen Dad deegaankaas ku dhaqan, sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo isaguna Saxaafadda la hadlay Maanta.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo Weriyeyaal Warbaahinta qaarkeed ka hawlgala, ayaa goobta duqaynta iyo weerarka wada-jira laga sameeyey booqday Arbacadii Maanta, waxaanu Wasiirka Amniga Galmudug sheegay inay waxa halkaas ka dhacay Puntland Masuul ka tahay, isla markaana ay Ciidammadoodu hagayeen Diyaaradaha Maraykanka ee duqaymaha geystay oo uu xusay inay Ciidammada Galmudug ugu sheegeen inay yihiin Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba, Waraysi uu Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, ayuu arrimahaas kaga warramay, waxaanannu Waraysigaas idiinku soo gudbinaynaa qaybteenna Idaacadda ama Codadka ee Aftahannews, waxaanad ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan Codkaas Liidka dheer ee Madawga ah ee Qoraalkan ka hooseeya ee dhegaysi habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.