“Haddaan Guulaysto Qudus Waxaan U Aqoonsanayaa Caasimadda Israa’iil..” Musharrax Donald Trump

Trump With Netanyahu In Meetting 2016

Washintong(Aftahannews):- Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Jamhuuriga ee Waddanka Maraykanka Donald Trump oo magaalada New York kulan kula qaatay Raysal-wasaaraha Yuhuudda Israa’iil Benjamin Netanyahu magaalada, ayaa sheegay haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtinnimo ee Maraykanka inuu magaalada Qudus ee Dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta u aqoonsan doono Caasimadda Israa’iil.

Trump With Netanyahu In Meetting 2016
Trump With Netanyahu In Meetting 2016

Musharrax Trump, ayaa intaa ku daray in shacabka waddanka Israa’iil ay baadhayaan nabad iyo xasilooni ay kula noolaadaan deriskooda. laakiin Falastiiniyiintu ay iskadaayaan falalka yuhuud nacaybka ku salaysan sida uu sheegay.

Raysal-wasaaraha Yuhuudda Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale kulan la qaatay Haweenayda Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Dimuquraaddiga ah ee Maraykanka Hirrlay Clinton, kulankaasoo ay kaga wahadleen cilaaqaadka labada waddan iyo weliba Hubka Nucliyeerka ee Iran.

Hadalka Trump ee ku waajahan Qudus, ayaa u muuqda mid uu taageero kaga doonayo Yuhuudda ku dhaqan dalka Maraykanka iyo weliba kuwa ka baxsan Maraykanka. Israa’iil ayaa Bariga magaalada Qudus dagaal ku qabsatay sannadkii 1967-kii, isla markaana tan iyo markaa culays joogto ah ku hayey Shacabka Jilicsan ee reer Falastiin.

Waxaa ka mid ah dhibaatooyinka tiro belay ee ay ku hayaan Ciidammada Yuhuuddu Shacabka Muslimiinta ah ee Falastiin ee ku nool qaybta kale ee magaalada iyo guud ahaanba Dhulka Yuhuuddu haysato ee Falastiin iyo meelaha aanay haysan-ba, iyadoo Israa’iil ay weli sii waddo deegaamaynta ay Yuhuudda ku deegaamaynayso Dhulka Muslimiinta Falastiin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somamliland.