“Gobolkaan Badhasaabka ka ahay Maan Odhan Gobol maaha, Ninkanna Wuxu Cunayey” Badhasaabka Gabiley

Gabiley(Aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi, ayaa sheegay inaanu Gobolka uu Badhasaabka ka yahay ku sheegin inaanu gobol ahayn, mar uu Salaasadii Maanta ka jawaabayey eedo ay u jeediyeen Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ee Gabiley iyo Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Gabiley ugu jeediyeen inuu sheegay inaanay Gabiley gobol ahayn.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha gobolka Gabiley, waxa uu ku dooday inaanay wararkaas waxba ka jirin, isla markaana ay yihiin kuwo been-abuur ah. Balse waxa uu si aan siyaasadaysnayn oo qaawan ama Ciyaala-suuqnimo ah ula hadlay Xildhibaan Xasan Dhag-jar.

Haddaba, Shirka Jaraa’id ee uu Badhasaabka Gabiley Salaasadii Maanta ku qabtay magaalada Gabiley iyo hadalka jawaabta ah ee ka yidhi-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.