Daawo Jamaal Cali Xuseen oo Hanjabaaddii u cuslayd u jeediyey Muuse Biixi & Faysal C. Waraabe + Qosol!

Jamaal Cali Xuseen oo Hanjabaad u jeediyey Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen, ayaa Hanjabaaddii ugu cuslayd u jeediyey Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo UCID Faysal Cali Waraabe, kuwaasoo uu sheegay inay dagaal kula jiraan, isla markaana haddiiba ay ka guulaystaan aanay ka macaashi doonin ee uu isagu noqon doono ka labadoodaba burburin doona.

Jamaal Cali Xuseen oo Waraysi qosol, xog, falanqaynta xaalado jira iyo hanjabaad isugu jira uu la yeeshay Weriye Cabdirisaaq Yuusuf Cali (Tera) oo ka tirsan Kalsan TV Maanta, ayuu qodobbadaas iyo kuwo kale-ba kaga hadlay Musharrax Jamaal Cali Xuseen.

Inkasta oo aan weli Waraysigaas oo dhammaystiran la baahin, haddana hor-dhaca Waraysigaas oo aad u xiiso iyo qosol badan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Hordhiciisa Muuqaalkan Hoose oo uu su’aalo koobkooban oo la weydiiyey kaga bixinayo Jawaabo culus, ee Daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.