Waa Maxay Sababta uu Isu Casilay Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland?

WASIIRKII WARFAAFINTA PUNTLNAD Maxamuud Xasan Soocadde OO ISCASILAY 2016

Garoowe(Aftahannews):- Wasiirkii Warfaafinta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Wasaarda Warfaafinta Puntland, Waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha u gudbiyey Warqaddiisa Istaqaalada.

WASIIRKII WARFAAFINTA PUNTLNAD Maxamuud Xasan Soocadde OO ISCASILAY 2016
WASIIRKII WARFAAFINTA PUNTLNAD Maxamuud Xasan Soocadde OO ISCASILAY 2016

Maxamuud Xasan Soocadde waxa uu iscasilaaddiisa ku tilmaamay mid shaqsiyadeed iyo arrimo isaga u gaar ah, isagoo meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas. Soocadde oo Isniintii Maanta Warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay inuu Warqadda iscasilaadda u gudbiyay Madaxweyne Gaas.

“Iscasilaadayda Madaxweynaha ayaan maanta (Shalay) u geeyay, waanu iga aqbalay runtii. Madaxweynaha Warqad qoraal ah ayaan u geeyay oo ku saabsanayd iscasilaadayda, kuma iman runtii colaad iyo xumaan Aniga, Madaxweynaha iyo Xukuumadda ka dhaxaysaana ma jirto. Waa arrin Aniga ii gaar ah.” Sidaa ayuu yidhi Soocade.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.