“Madaxweyne Waxaan kuu soo jeedinayaa in Miisaaniyadda 2017 loogu daro Ciidammada Dirays Sannadle ah”

CIIDAMMADA SOMALILAND

Qalinka Mawliid Aadan Cumar ……… Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaan u soo jeedinayaa hal qodob oo muhiim u ah Ciidammada dalka iyo Shacabka Somaliland ee ay u adeegaanba.

CIIDAMMADA SOMALILAND
CIIDAMMADA SOMALILAND

Sidaas awgeed, Md. Madaxweyne waxaan ka Muwaaddin ahaan kuu soo jeedinayaa in Qorshaha Miisaaniyadda sannadka 2017-ka ee dowladda loogu daro Ciidammada dalka Dirays Ciidan oo sannadle ah, sababtuna waxay tahay illaa wakhtigii la aasaasay Ciidammada dalkeenna waxay il-duufeen labadii Xukuumadood ee kaa horreeyey iyo labada Gole ee Baarlamaanku in Ciidammada dalka loo sameeyo Qorshe Dirays oo ku jira Miisaaniyadda dawladda.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)
MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

Hase-yeeshee, Madaxweyne waxaa lama huraan ah in qorsha Miisaaniyadda dowladda lagu daro Dirayska Ciidammada Qaranka Somaliland. Haddaba, Madaxweyne adigoo taariikhda dalkan ku suntan Madaxweynihii bixiyey Derajada Ciidammada dalka, waxaad ku labaysaa in Ciidammada dalku helaan Dirays joogto ah, oo sannadle ah haddii Allaah yidhaahdo.

Sidoo kale, waxaan u soo jeedinayaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaad tahay Wasiir Wasiirka u igman Madaxweynaha dhammaan qaybaha dowladda iyo Shacabka Somaliland-ba. Sidaas awgeed, Md.Wasiir waxaan ku leeyahay waxaad xog-ogaal u tahay dhismaha Qaranka Somaliland marxaladihii uu soo maray.

SOCDAALKA SIILAANYO EE LAASCAANOOD ILLAA BURCO 2016 (4)

Markaa, waad ogtahay inaan Ciidammada dalku helin qorshe Miisaaniyadeed oo ah Dirays Ciidan. Haddaba, waxaan Wasiir kuu soo jeedinayaa in aad ka qayb-qaadato sidii ay Ciidammada dalku ku helayaan Dirays ugu jira Miisaaniyadda dowladda.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ah Wasiir Xog-ogaal u ah danta guud ee Qaranka ilaalintiisa iyo Daryeelka baahiyaha aasaasiga ah in laga warhayo. Markaa, waxaan Xukuumad ahaan u soo jeedinayaa Wasiir Samsam inay u hawlgashay in Ciidammada dalku helaan qorshe Miisaaniyadeed oo Dirays Ciidanka ah.

Haddaba, waxaan ku soo afmeerayaa Qormadan ama Maqaalaykaygan Daryeelka Dirayska Ciidammadu, waa hawl Qaran oo horumar u ah Qaranka iyo Ciidammada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadda-ba.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Qalinka Mawliid Aadan Cumar

063-4410898

Hargeysa/Somaliland.