Daawo Arooskii Shariifka iyo Princess Istaahil oo Bilaw u noqday Daahfurka Barnaamijka Aroosk Qarniga

ASOORKA SHARIIFKA IYO PRINCESS ISTAAHIL AROORKA QARNIGA 1

Arooskii Ugu Cajiibka Badnaa ee Lagu Qabto Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa ka qaybgalay Dad ka badan Laba Kun oo Ruux oo Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Dowlad-deegaanku ku jiraan

Jigjiga(Aftahannews):- Fannaanadda Caanka ah ee Istaahil Maxamed Khaliif (Princess Istaahil) iyo Saygeeda Fadxi Cali Shariif (Shariifka), ayaa ku guulaystay inay noqdaan Lammaanaha koowaad ee lagu Daah-furo Barnaamijka Arooska Qarniga oo ka bilaabmay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

ASOORKA SHARIIFKA IYO PRINCESS ISTAAHIL AROORKA QARNIGA 1
ASOORKA SHARIIFKA IYO PRINCESS ISTAAHIL AROORKA QARNIGA 1

Waxaana Lammaanahan Arooskooda ka qaybgalay dad ka badan laba Kun oo Qof oo ay ku jiraan Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, Ku-xigeennadiisa, Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Laamaha dowladda iyo dad badan oo kale, kaasoo lagu qabtay Hoolka Sayidka ee magaalada Jigjiga, oo loo bilay qaab cajiib ahaa, isla markaana waxa uu Arooskani koobsaday labada qaab ee Aroos-dhaqameedka Miyiga iyo kan Casriga ah ee Magaalada.

Fannaaniinta ayaa Dabcan heesayey, waxaa Dadka la weydiinayey Su’aalo, waxaa lagu xukumayey, Heeso, Gabayo, Geeraarro, Hal-xidhaalayaal, waxaa dadka Xafladda Arooskaas ka qaybgalay ee Masraxa la soo joojiyey ee Su’aalaha la weydiiyey ka mid ahaa Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Masuuliyiin badan oo dowladda ka tirsan iyo weliba dadweynaha qaybihiisa kala duwan ee goob-joogga ka ahaa Munaasibaddaas. Waxaana Kharashka Arooskan iyo Aroosyada soo socdaba bixinaya Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya.

Waxay Lammaanahan Arooskooda aadka loo bilay bilaw ama aftax u yihiin qaybta koowaad ee Barnaamij loogu yeedhay Arooska Qarniga, waxaana qaybta labaad ee Arooska Qarniga lagu caruusi doonaa 24 Lammaane oo kale oo isu-mehersan, isla markaana aan awoodin dhaqaalaha ama kharashka Arooskooda inay iska bixiyaan.

Lammaanayaashaas oo toddoba ka tirsan ay ku guulaysatay Jigjiga oo Caasimad u ah dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ka dib markii gebo-gabadii Xafladda Arooskan Fadxi iyo Istaahil loogu qabtay Bakhtiyaa-nasiib ay Lammaanayaal badani ku tartameen oo loo bixiyey Gacantaada Isku Aroos, kaasoo ay toddoba Lammaane ku guulaysteen Lammaanayaashii Isu-mehersanaa ee Bakhtiyaa-nasiibkaas ka qaybgalay. Halka inta kalena loo qaybin doono magaalooyinka kala duwan ee gobollada iyo degmooyinka Dowlad-deegaanku.

Lammaanahan, ayaa Dammaashaadka Toddoba-baxooda ku soo qaadan doona dalka dibeddiisa, halka ay Lammaanayaasha kale ku bakhtiyaa-nasiibsan doonaan goobaha ay ku soo qaadan doonaan toddoba-baxyadooda, isla markaana Lammaane kastaa nasiibkooda ka qaadi doonaan waddamo dibedeed iyo Magaalooyinka waawayn ee dalka Itoobiya oo uu soo xulay Ururka Hawshan fulinaya.

Haddaba, Habkii iyo Hannaankii Dhaqan, Diimeed, Ilbaxnimo iyo guud ahaan Nidaamkii uu u qabsoomay Arooskan bilawga u ahaa Barnaamijka labaxay Arooska Qarniga ee laga fulinayo Dhulka dowlad-deeegaanka Soomaalida ETHIOPIA, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.