Heshiiska Dekedda Berbera: Ma Somaliland Iyo DP World Mise Somaliland, DP World Iyo Itoobiya?

HESHIISKA KAMADAMBAYSTA AH EE WAREEJINTA DEKEDDA EE SOMALIAND IYO DP WORLD

Hargeysa/Dubai (Aftahannews):- Iyadoo uu dhacay saxeexii heshiiska Dekedda Berbera oo DP World iyo Xukuumadda Somaliland ay qalinka ku duugeen Isniintii doraad ayaa durba waxa aloosan ka hadalka mawduucan, isla markaana waxa soo duulay warar sheegaya in heshiiska ay qayb ka tahay Itoobiya.

HESHIISKA KAMADAMBAYSTA AH EE WAREEJINTA DEKEDDA EE SOMALIAND IYO DP WORLD
HESHIISKA KAMADAMBAYSTA AH EE WAREEJINTA DEKEDDA EE SOMALIAND IYO DP WORLD

Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa  waraysi uu siiyay shabakadda Hadhwanaagnews wuxuu ku sheegay in gacan sadexaad ku jirto heshiiska, isla markaana wuxuu tilmaamay inay taasi khalad ku tahay jiritaanka qaranimadda somaliland. Xildhibaan Bashiir oo arrintaa ka hadlayaanna wuxuu yidhi; “Heshiisku wuxuu ahaa laba geesood, wuxuu ahaa shirkadda DP World iyo Somaliland, amnigeenana inagaa weligeen ilaashana, xitaa amniga Itoobiya ayaynu inagu ilaalinaa, markaa in amnigeenii lagu xidho dawlad kale oo sadexaad, arrintaa waxaan u arkaa meel ka dhac qaranimadda lagu sameeyay, qodobkaasina waa qodob aad in loo eego oo dadku is dul taagaan mudan, dee maxaynu heshiiska marka horeba ku galaynaa, haday shirkadiiba diiday inay inagu kalsoonaato saw inaynu ka baxnaba maaha. Qodobkaasi waa qodob meel ka dhac ku ah dadnimadeena iyo dawladnimadeenaba.” Xildhibaan Bashiir Tukaale wuxuu intaa ku ladhay in aanuu ka mid ahayn Xildhibaanadii ansixiyay heshiiskaa, isla markaana wuxuu xusay inay jiraan waxyaabo la qarinayaa, balse ay soo bixi doonaan.

Gudoomiye xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cali Kubad oo isna ka mid ah dadka ka hadlay heshiiskan ayaa qoraal uu soo saaray wax yar uun ka hor markii la saxeexay heshiiska ku sheegay in Itoobiya tahay gacan sadexaad oo qayb ka noqonaysa heshiiskan, sidaana ay ku wada socdaan DP World, waxaanuu qoraalkiisa ku yidhi sidan; “DP world waxay doonaysaa markuu heshiisku soo afjarmo, inay saami qaybsiga la wareejin karayo(transferable shares)  qayb ka mid ah ay ka iibiyaan xukuumada Itoobiya. Haddii ay taasi dhacdo, oo ay Itoobiya dekada Berbera wax ku yeelatana, way ku adkaan doontaa xukuumadaha ka dambeeya xukuumadan Siilaanyo inay si fudud uga baxaan heshiiskan, waayo dee Itoobiya ayaa u taagan. Sidaa darteed DP world waxay Itoobiya wax u siinaysaa waxa weeye, inay u noqoto difaacii heshiiskan ilaalin lahaa 30 ama 40-ka sanadood ee soo socda. Haddii ay DP World saamiyada qaar  ka iibiso Itoobiya, Somaliland iyadoo meelo badan wax ka eegaysa way ka xishoon doontaa inay arrinkaas is hortaagto,hadda ogaadoo xishoodkuna waa qayb ka mid baqdinta.” Cali Kubad waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay, in kulankii u horeeyayba  DP World iyo weftiga Somaliland uu ku wehelinayay wefti kale oo Itoobiyaan ah oo uu hor kacayay mid ka mid ah Wasiirada ugu miisaanka wayni.

Dhanka kale wadahadalkan u dambeeyay ee lagu saxeexay heshiiska  ayaa xogo aan la xaqiijin oo Ogaal ka soo xigtay illo kala duwani ku tilmaameen inuu ahaa kii ugu adkaa ee labada dhinac dhex mara, isla markaana waxay xogahaasi sheegeen in DP World soo jeedisay, in Itoobiya ay doonayaan inay noqoto dalka ugu isticmaalka badan dekedda Berbera, si taasi u suuragashana ay qayb ka siinayso saamigeedda si ay qayb uga noqoto shirkadda la wada yeelanayo ee la wareegaysa maamulka dekedda, taasoo haddii ay dhacdo heshiiska ka dhigaysa mid sadex geesood ah, halkii uu ka ahaa marka hore laba geesoodka.

Hase ahaatee ma kala cadda in weftiga somaliland ogolaaday taa oo sidaa lagu saxeexay heshiiska iyo in kale. Inkastoo aanuu carabaabin wadanka uu yahay, haddana war amuurtaa la xidhiidha waxa isna cadadkii shalay faafiyay wargeyska Geeska, kaasoo sheegayay in DP World soo jeedisay in heshiiska lagu daro dawlad ay sheegeen haddii lagu daro in dani ugu jirto Somaliland iyo DP World labadaba, lana siiyo 15% saami ah, balse dhinaca Somaliland ay ka gaws adaygeen, laakiin aan la hubin go’aanka ay aakhirkii isla qaateen.

Xukuumadda:

Inkastoo weli la dhawrayo,xaqiiqda, haddana dhawaaqyada dhinaca weftiga ka soo yeedhay ayaa ah qaar tusmaynaya in waxa ay saxeexeen yihiin wax dani ugu jirto Somaliland, isla markaana horumar iyo badhaadhe soo kordhinaya. Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo saxeexii heshiiskaa kadib la hadlay laanta afka soomaaliga ee VOA mar wax laga waydiiyay heshiiska ay saxeexeen

Wuxuu yidhi;  “Dekedda waa la maalgelinayaa, marna waa run waa la kiraynayaa, la iibin maayo lana wareejin maayo. Waa la maalgelinyaa Dekedda cusub ee la samaynayaa aduun iyo lacag bay u baahantay, waa la kiraynayaa kambaniga maamulayaa waa kambani Anaga iyo DP World naga wada dhexeeya, oo iyaguna ay leeyihiin 65%, anaguna aanu leenahay 35%, kambanigaasaanu ka kiraynaynaa aanu wada leenahay, ee aanu boodhka ku wada jiro, kiraddana xukuumadda Somaliland baa qaadanaysa, faa’iidada ka soo baxdaana waa noo qaybsan tahay, qaabkaanu wax u wada yeelanaynaa waa qaab wadaag ah oo heshiiska ku cad oo aan madmadow lahayn. waxaanu ku dadaalay shantaa bilood in aanu galo heshiis cad oo qeexan oo aan muran iyo maxkamad keeni karin. Waxaanu kiraysanay khubaro iyo aqoonyahano hal milyan oo doolar lacag ku dhaw aanu ku bixinay si ay aqoontaa nooga caawiyaan.”

Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Dayr oo shir jaraa’id oo uu shalay qabtay lagu waydiiyay su’aal la xidhiidhay in Itoobiya qayb ka tahay saxeexa heshiiskan iyo in kale wuxuu ku jawaabay; “Itoobiya qayb kama aha, waa dal jaarkeen ah, walaalaheen ah, wada shaqayn baa inaga dhaxaysa, dekeddana guud ahaanba dadkay u adeegayso ayay ka mid tahay, way soo dhawaysay Itoobiya, Itoobiya dalka inalama laha ee inagaa iska leh, heshiiska inagaa galay ee Itoobiya inalamay galin.”

Dhinaca kale Telefishanada qaarkood ayaa iyana wixii ka dambeeyay saxeexa heshiiska, ra’yi ururin ay ka sameeyay gobolada qaarkood  ku waydiinayay dadka aragtidooda, badi dadka ay codkooda baahiyeenna waxay ahaayeen qaar taageersan saxeexa heshiiskaa una arka inuu u soo kordhinayo Somaliland shaqo abuuris, kor u kac dhaqaale iyo horumar dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, si la mid ah siday madaxda dawladdu ku dhawaaqayaan. Kala soco Ogaal warar dheeraad ah iyo falanqaynta mawduucan.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.