Xukuumadda Siilaanyo oo Suuq Madoow Ganacsade Kaga iibisay Dugsiga Sheekh Bashiir ee Hargeysa – Qalinka Idiris Saleebaan

DUGSIGA HOOSE/DHEXE EE SHEEKH BASHIIR HARGEYSA

Xukuumada Somaliland waxay Mudooyinkii u danbeeyey qorshaysay inay shakhsiyaad ganacsato ah oo aan u qalmin ka iibiso Iskuulka  dawladii hore ee Soomaaliyeed ugu magacdartay halyeygii, halgamaaga ahaa ee naftiisa u hibeeyay gobanimadii iyo innuu ka xoreeyo ummadda Soomaalida gumaysigii waddankooda haystay oo inta badan caan ka ah deegaannada Soomaalida oo dhan degta iyo waliba taariikhda Buugaagta ku xardhan ee caalamka.

DUGSIGA HOOSE/DHEXE EE SHEEKH BASHIIR HARGEYSA
DUGSIGA HOOSE/DHEXE EE SHEEKH BASHIIR EE MAGAALADA HARGEYSA

Wasiiro ka tirsan Xuukamadda Axmed-Siilaanyo doonayso qaabkii ay ku tirtirilaheyd mujaahidkii weynaa taariikhdiisii oo si macno daro ah loo iibiyo Dugsigii loogu magacdaray ee Hoose dhexe ee Sheekh Bashiir, kaasi oo ku yaala badhtamaha Magaalada Hargaysa.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Wiilka sodoga u yahay Madaxweyne Siilaanyo Baashe Cawil iyo Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan iyo Maayarka Degmada Hargeysa, ka iibiyaan duigsigii boqolaalka arday dhiganaysa wakhtigan immika, halka boqolaal arday oo madax iyo hogaamiyeyaal noqday hore uga baxeen Iskuulada Halyeygii Soomaaliyeed loogu magacdaray ee xoraynta ummaddiisa u hibeeyay loogu magacdaray ee Sheekh Bashiir.

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hore u sheegtay inay qol ka siinayso ninkii ku jiray Libereerigii Gaandi, laakiin waxaan ogaaday in Ninkaasi qaatay lacag, laakiin laga iibiyey, laguna wareejinayo dad gaar ah oo ganacsato ah hantida maguurtada ah iyo dhismayaal Dugsigaas Kheekh Bashiir ka mid ah, kuwaasoo dhamaantood loo maray bixintooda iyo iibkooda hab qarsoodi ah oo aan waafaqsanayn nidaamka iyo qaanuunka sharciga dalka, iyadoo goobtii ugu danbaysay inta la ogyahay magaalada Hargeysa ee si qarsoodi ah loola wareegay ahayd xarunta dhismihii Dugsiga haweenka Women’s Clab ee Hargeysa oo la raaciyay dhisme Marwo Aamina Weris ku balaadhisay Huteel casriga ah ee Jirde, iyadoo la doonayo aaqirkana inta marka hore intan loogu soo marmarsoodo marka dambena la yidhaahdo naga wada iibiya, Balse waxaan u soo jeedinayaa haddii rag ka nool yahay carruurtii uu ka tegay Sheekh Bashiir ama Carruur uu awoow u yahay ama dhamaan faamilkii reer Sheekh Bashiir inay fadhiga ka kacaan oo shacabka reer Somaliland iyo waliba ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baqaan in ay gacan ka siiyaan ama isu-taagan sidii loo badbaadin lahaa taariikhda dhaxalka u ah cidda ku abtirsatay magaca soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka iyo deegaanada Soomaalida ku nool oo dhan in qaylo dhaan u dirtaan haddii aydaan raali ka ahey baabi’inta taariikhda ku suntan halyeygii Soomaalida.

Mujaahidkii ku xardhanaa buugaagta Taariikhda afrika iyo Soomaalida iyo Caalamka Dawladii Soomaaliyeed markii ay ugu magacdaraysay goobaha waxbarashada eek u taal magaalooyinka Somaliland iyo koonfurta Soomaaliga waliba Dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir ee Muqdisho, waxa loogu talo galay inay jiilasha SOomaalida u soo kacaysa ay bartaan raggii u keenay xoriyada Soomaalida ee dagaalka la galay Gumaystihii haystay dhulka Soomaalida, isla markaana wuxuu ahaa Sheekh Bashiir alle ha u naxariistee ninkii koobaad ee dagaal uu kala jirau gumaystihii ku soo duulay dalka Soomaalida lagu dilay, markaasay reer Somaliland-na maanta aq-baleen in siyar oo macno daro ah loo baabi’iyo magacii iyo taariikhdii Sheekh Bashiir.

Inkastoo talaabadan ay hor seedi karto in la iibiyo Iskuulada kale ee Faarax Omar, iyo Maxamuud Axmed Cali, laakiin Sheekh Bashiir waxaas oo dhan wuu ka magacweyn yahay, balse waxa Qoyska reer Sheekh Bashiir loo baahan yahay inay maal iyo xoog-ba dulkiidhigaan, waxaan hubaa inay xaq tahay inaad ku shihiidaan ilaalinta taariikhda Aabihii ama AWOOD-GIIn iyo ardaydii wax ka baratay oo dhan oo aad kicisaan dadka. Wax la aq-bali karo maaha in halyeygii soomaaliyeed ee Mujaahid Alle naxariistii jano ha ka waraabiyee maanta Wasiiro yar yidhaahdaan macna muulaheyn ee aynu iibino Dugsigii loogu magacdaray, halka dawladaha kale ee reer Galbeedkuna taalo iyo xus loogu baroor diiqo u dhigaan kuwa la midka ahaa. Sheekh Bashiir muu aheyn qoys haddii Madaxweyne Siilaanyo u baabi’inayo taariikhdii Sheekh Bashiir kan Habar-jeclo ayuu ahaa, laakiin waxa dheg xumo iyo sharaf-xumo iyo ceeb ah in halyeygii Soomaaliyeed inta la masaxo qof aan qiimo weyn iyo abaal ku laheyn la siiyo, isla markaa waa inay tafiirtii Sheekh Bashiir, ardaydii iyo cidkasta u qayliyaan oo fadhiga laga kacaa sidii loo badbaadin lahaa, haddii kale waxa dhicidoonta inay horseedo arrintaasi in dad kale sheegtaan Iskuulada Sheekh Bashiir loogu magacdaray eek u yaal Puntland, Muqdisho iyo waliba deegaanada Koonfurta Somalia, ee waxaanu ka digaynaa in Xukuumadda Axmed Siilaanyo wado halis ku ah tariikhda Sheekh bashiir furto, ee maaha in lagu dhawro xukuumadda ayaa Habar-jeclo ah ee waa in lagu bixiyaa sidii nafta loo duldhigi lahaa in magaciisa la tirtiro halyeygii weynaa ee Soomaaliyeed Sheekh Bashiir. Waana Waajib  saaran qoyskii reer Sheekh Bashiir iyo Soomaali oo dhan saaran iyo ardaydii wax ka baratay. Waa ayaan daro in Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi maanta ka hadlo taariikhdii Sheekh Bashiir ayaa baabi’inayaa iyo iskuuladii loogu magacdaray ee Hargeysa maa la waayey nin yidhaahda cartaabo adiga ayaa u maqan. Ma maanta ayuu Sheekh Bashiir waayey cid u hiilisa oo ilaalisa dhulkii loogu magacdaray ee lagu maamuusay taariikhdiisa ee dawladii Soomaaliyeed u hibaysay.

Idiris Saleebaan Maxamuud

Hargeysa/Somaliland.

Aragtidani kama turjumayso midda Warbaahinta Aftahannews, hase-yeeshee, waa aragti u gaar ah Qoraaga Magiciisu kor ku xusan yahay. Basle Aftahannews waxay u taagan tahay dhiirrigelinta Qoraaga aragtida toolmeen, fikir-is-waydaarsiga iyo doodda qaybaha kala duwan ee Bulshada, maaddaama oo ay aragtida Qoraaga iyo qaybaha Bulshada dhiirrigelinayaan Dastuurka Somaliland, Xeerka Saxaafadda Somaliland iyo Xeerarka caalamiga ahi-ba.