Saxaafaddu Maaha in Balaayo La Daydayo – Qalinka Akram Rashiid

AKRAM RASHIID

Sida badanaa muuqata baryahan dambe amaba la dareemayo waxa Saxaafaddii Somaliland inteeda badan hadheeyey dad aan ood-wadaag la lahayn Suxufinnimada oo Afka ka sheegta oo aan Aqoon iyo Xirfad iyo waaya-aragnimo toona u lahayn Saxaafadda.

AKRAM RASHIID
AKRAM RASHIID

Sida ay tahay Saxaafaddu waa seef laba af leh oo marba dhan loo adeegsado wanaag iyo samaanba. Suxufinnimadu waa Cilmi loo soo maro Aqoon, Tabobbar iyo waayo-aragnimo oo  ka madax-bannaan in loo Gaas-dhegooleeyo, kana madax-bannaan Qalin lala doonto Buug khibrad la’aan.

Suxufinnimadu waa kaalin aad ugu saraysa bulshada dhexdeeda, waxayna leedahay nidaam (Xeerar) ama qodobbo loo adeegsado marka war la baahinayo, sida: Sugnaan, Cadaalad, Ddeellitirnaan , Run sheeg , Ddexdhexaadnimo iyo Anshax-wanaag ama ku dhaqanka anshaxa.

Suxufinnimadu waa xil wayn oo ku wanaagsan in sidiisa loo guto adoo tixgelinaya nidaamkeeda oo dhan. Suxufinnimadu waa ta aad ku kasban karto bulsho markaad waddadeeda soo marto, waana ta aad ku heli karto ajar marka aad wanaag ka farto, xumaantana ka reebto. Suxufinnimadu waa ta adhaxda ka jabin karta ummad dhan ama wanaag u horseedi karta bulshada.

Hadaba hadii dadka qaar ka dhigteen “Qor waxaad doonto” oo aan ceeb la asturayn oo dadka la isku dirayo oo inta xun uun la daydayayo inta wanaagsanna la dadayo, taasi maaha Saxaafad iyo Suxufinnimo sax ah, ee waa dembi iyo khaatumo-xumaan inteeda leeg iyo munaafaqad caddaan ah.

Diinteennu waxay inna faraysaa in wararka la iska hubsado lana tixgaliyo dadka xil umadeed u haya Muslimka. Waxa kale oo ay inna faraysaa in la asturo ceebaha dadka iyo inaan bani-aadamka laga sheegin waxaanu odhan.

Karaamada iyo sharaftu waxay ku jirtaa adoo ka run sheega waaqaca siday runtu tahayna Warbaahintu maaha in balaayo la daydayo barkhaddana la garab-maro. Suxufi Saxaafaddu maaha in fitmo hurudda la toosiyo, mana aha balaayo dayday ee waa war gaadhsiin sax ah, runtana ku salaysan. Warbaahintu, waa sawirka iyo sawraca Weriyaha oo car iyo beyla” –Hadraawi

Qalinkii: Akram Rashiid

akramcabdala@gmail.com.