Carraale Ogaal: Madaxweynaha Waad Dooran Kartaan, Laakiin Baarlamaanka & Deegaanka MAYA!

CARRAALE OGAAL AMA MR. WADDANI WARGEYSKA OGAAL

Marka hore xamdi alla iyo xaal aduun. Marka xigga, berigii hore waxa la odhan jiray geelloow soco soco oo markaad ciin daaqdaa laguu yaabaa, iga wala maantaynu dad iyo xoolaba ciin daaqnay, weliba hadaynu is ognahay ciil maynaan qabneen.

CARRAALE OGAAL AMA MR. WADDANI WARGEYSKA OGAAL
CARRAALE OGAAL AMA MR. WADDANI WARGEYSKA OGAAL

Marxuum Fagadhe ilaahay ha u naxariistee, ayaa mar uu wasiirka arrimaha dibadda ahaa, aad ula yaabay qodob sharci oo qaramada midoobay u yaala, dabadeed markii la yidhi qodobkaasi sidaasuu dhigayaa ayuu yidhi; “weligay qodobkaa qodob ka istubidhsan maan arag.”

Imika waxaan la yaabanahay go’aankan xukuumaddu soo saartay ee leh, dadka lixda goobood ee lagu muransanyay iska diiwaangeliyaa waxay dooranayaan madaxweynaha oo keliya ee ma dooranayaan baarlamaan iyo gole deegaan..cajiib bal idinku wax ku sheega!

 Midda kale, Hooyo ayaa kaliil kulul caruurteedii bariis yar u qaybisay, mid kastana inyar oo codcod ah u ursiisay,  iyadoo mid waliba hoosta ka guuxayo oo qawadsan yahay waxa yar ee la siiyay, ayaa hooyadoodna  intii ay mid kasta oo caruurta ka mid ah siisay in le’eg guratay, markaasaa mid caruurta ka mid ahaa ku yidhi; “Hooyo, illayn Adigu cidna ka biqi mayside iska korodhs.”

Haatan madaxda maanta waxaan leeyahay, Illayn cidna ka biqi maysaane iska korodhsada,  madhiya, haddaa madhin karaysaan, laakiin ha isugu faaninna. Ilaahoow khaatumada khayr noogu khatin…aamiin…aamiin.

Xigasho Wargeyska Ogaal.