Cali Khaliif Galaydh oo Naqdiyey Hadalka Siilaanyo & Wasiirkiisa Madaxtooyada, Talo Culusna Jeediyey

CALI KHALIIF GALAYDH OO BUUHOODLE KA HADLAYA 2016

Buuhoodle(Aftahannews):- Madaxweynaha Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in loo baahan yahay in midnimo, wada-jir iyo talo isku mid ah Beelaha deegaannada Buuhoodle iyo Sool ku galaan wadahadalka ay la bilaabayaan Somaliland, isla markaana aan Beel-beel, Qoys-qoys iyo Qof-qof loo socdaa macno ay samaynaysaa jirin, Somalilandna ka ogaatay natiijo la’aanta qaabbilaadda cid dan gaar ah wadata oo magaca Dhulbahante wax ku doonaysa.

CALI KHALIIF GALAYDH OO BUUHOODLE KA HADLAYA 2016
CALI KHALIIF GALAYDH OO BUUHOODLE KA HADLAYA 2016

Waxaa kale oo uu Cali Khaliif Galaydh sheegay, inuu soo dhawayno hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada Md. Axmed-Siilaanyo iyo Wasiir Maxamuud Xaashi, isla markaana ay sheegeen inay albaabbada u xidheen albaabbadii wadahadallada ay Somaliland la yeelan jirtay Beelaha Sool iyo Buuhoodle, balse loo baahan yahay in Beelahaasi u midoobaan inay xaqooda ka soo dhacsadaan Somaliland.

Prof: Galaydh waxa uu sidaas ku sheegay Munaasibad uu kula hadlayey Wax-garadka Buuhoodle oo magaaladaas lagu qabtay Xalay, waxaanannu Hadalkiisa oo dhammaystiran iyo dardaaranka uu jeediyey-ba idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.