Xarunta Xuquuqda Aadamaha oo Walaac ka Muujisay Qoraa Hargeysa ugu Xidhan Xukuumadda Siilaanyo

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAY IYO WASIIR MAXAMUUD XAASHI

Hargeysa(Aftahannews):- Xarunta Xuquuqda Aadamaha Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa Cambaaraysay Xadhigga Qoraa Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), kaasoo u xidhan Wasiirka Madaxtooyada iyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa muddo sagaal cisho ah.

QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAY IYO WASIIR MAXAMUUD XAASHI
QORAA SICIID MAXAMUUD GAHAY IYO WASIIR MAXAMUUD XAASHI

Xarunta Xuquuqda Aadamuhu waxay codsatay in Qoraa Siciid Maxmauud Gahayr xuquuqdiisa la dhawro, isla markaana xornimadiisa si dhakhso ah loogu soo celiyo, maaddaama oo aanu wax dembi ah gelin ee uu aragtidiisa qoraal ku soo bandhigay, taasna ay dammaanad qaadayaan Dastuurka iyo Shuruuxda dalka ee dhinaca Xorriyatul-qawlka Somaliland iyo kuwa caalamku-ba.

War Qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Xaruntaas oo uu ku saxeexnaa Axmed Xuseen Cabdi oo ah Isu-duwaha Barnaamijyada Xarunta Xuquuqal Insaanka, ayaa Nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Waxa 20kii August 2016 lagu xidhay magaalada Hargeysa Siciid Maxamuud Gahayr oo ah nin qoraa ah. Siciid xadhigiisa waxa lala xidhiidhiyay qoraalo uu qoray oo ay ka mid yihiin kuwo baraha bulshada lagu qoray.

Waxa af-hayeen u hadlay Booliisku sheegay in loo haysto Siciid; ‘falal nabadgelyo-darro ah oo wax u dhimaya Qaranka Somaliland.’ Kuwaas oo ay ka mid yihiin qoraallo uu ku qoray Baraha Bulshada iyo kulanno uu qabtay, sida uu ku dooday Booliisku.

Xadhigga Siciid wuxuu dhacay kadib qoraallo is-daba-joog ah oo uu kaga faallooday arrimo la xidhiidha Gegida Diyaaradaha ee Cigaal (Hargeysa) iyo dhulka ka ag dhow garoonka.

Sida ku cad qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa soo bandhigo. Sidoo kale dastuurku wuxuu ballan-qaaday in dadku ka qaybqaadan karaan kulanno.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac ka qabtaa xadhigga loo gaystay qof aragtidiisa dhiibtay. In qof loo qabto arrin la xidhiidha qoraallo baraha bulshada lagu qoray waa walaac hor leh, waana arrin waxyeello u geysan karta xorriyadda aragti dhiiibashada.  Xaruntu waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadiisa u celiso Siciid Maxamuud Gahayr.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somalilnad.