Wiil Madaxweyne Siilaanyo Soddog u yahay oo lagu wareejiyey Cusbitaalka Ceerigaabo & ka Laascaanood oo loo ballan-qaaday

MUUSE XASAN YUUSUF WIILKA LABAAD EE SIILAANYO SODDOGGA U YAHAY 2016

Ceerigaabo(Aftahannews):- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Xagla-toosiye oo cabsi uu ka qabay in xilka Wasiirnimo ay ka qaado Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina-Waris, ayaa siiyey Mashuuca tayeynta Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo Wiilka labaad ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Soddogga u yahay oo lagu magacaabo Muuse Xasan Yuusuf.

MUUSE XASAN YUUSUF WIILKA LABAAD EE SIILAANYO SODDOGGA U YAHAY 2016
MUUSE XASAN YUUSUF WIILKA LABAAD EE SIILAANYO SODDOGGA U YAHAY 2016

Wiilkan Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay ee Muuse, ayaa Mashruucaas ku qaatay ENGO cusub oo lagu magacaabo Shifaat, waxaanu Wasiirka Caafimaadku sheegay in Hawsha Cusbitaalka magaalada Laascaanood loogu wareejinayo Wiilkan ay iyana socoto, balse hadda tan Cusbitaalka Ceerigaabo soo dhammaatay.

WIILKA SIILAANYO SODDOGGA U YAHAY MUUSE XASAN YUUSUF 2016 CEERIGAABO
WIILKA SIILAANYO SODDOGGA U YAHAY MUUSE XASAN YUUSUF 2016 CEERIGAABO

Waxaa maalgelinaya Cusbitaalka Ceerigaabo  Saquuqa horumarinta  ee Somaliland Development Fun (SDF), waxaana munaasibaddaas wareejinta oo lagu qabtay barxadda hore ee Cusbitaalka Ceerigaabo ka  qayb-galay ka sokow Wasiir Xagla-toosiye, Wasiir-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Maxamuud Jaamac Aadan (Galaal), Badhasaabka Sanaag Axmed Cabdi Falaay iyo xubno oo Laamaha dowladda ka tirsan.

Haddaba Muuqaalka Xafladda lagula kala wareegay Maamulka iyo Maalgelinta Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo, Hadalka Muuse iyo Xagla-toosiye iyo Dhalinyaro si adag uga hadlay oo reer Ceerigaabo ah, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.