Wakiilka Imaaraadka ee Somaliland oo Dhiggiisa Taiwan ka guddoomay Agab ay ugu Deeqday Jaamacadaha qaar

SAFIIRRADA IMAARAADKA CARABTA EE SOMALILAND IYO TAIWAN 2016

Dubai(Aftahannews):- Safaaradda Somaliland ay ku leedahay Imaaraadka Carabta, ayaa xafiiskeeda Dubai ku qaabishay Safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Imaaraadka Carabta, Mr. Jerry Yang, iyadoo uu qaabiley wakiilka Somaliland ee Imaaraadku, Amb Baashe Cawil Cumar oo ka gudoomay Agab Kumbiyuutaro (Computers) ah oo ay safaaradda Taiwan ugu deeqday Jaamacadaha Qaranka Somaliland ee ka dhisan Gobolada Sool, Sanaag, Saaxil, Togdheer  iyo Gabiley.

SAFIIRRADA IMAARAADKA CARABTA EE SOMALILAND IYO TAIWAN 2016
SAFIIRRADA IMAARAADKA CARABTA EE SOMALILAND IYO TAIWAN 2016

Safiirka Somaliland Amb Baashe oo isagu mudooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa sidii safaaradda Somaliland ay guullo wax ku ool ah u soo gaadhsiin lahayd Qaranka Somaliland ayaa tallaabadan uu qaaday waxay ibofur u tahay xidhiidh wanaagsan oo dhex mara Waddamada Somaliland iyo Taiwan, taasi oo ay ka dhalan karto xidhiidh wada shaqayneed oo shacbiga iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u horseeda horumar dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsigaba muhiim u noqda madaama oo ay Taiwan tahay dal ku caana wax soo saarna qaybihiisa kala duwan.

Agabkan uu la wareegay Safiirka Somaliland ee Imaaraadku ayaa noqon doona mid loo qaabeeyey sidan hoos ku xusan loona gaadhsiin doono sida ugu haboon Jaamacad walba oo ka mid ah Jaamacadaha loo qorsheeyey iyo tirada loo cayimayba:

  1. Nugaal University, Laascaanood, 10 Computers (Laptop)
  2. Burco University, Togdheer, 10 Computers (Laptop)
  3. Berbera Maritime University, 10 Computers (Laptop)
  4. Tima-cade University, 10 Computers (Laptop)
  5. Ceerigaabo University, 10 Computers (Laptop).

Tirada Guud ee Kumbiyuutaro (Computer Laptop) ayaa dhamaa 50 Computer, ka dib markii kulankaasi ay labada Safiir kula kala wareegeen agabkaasi waxa safiirka Somaliland Amb Baashe uu dhigiisa Taiwan gudoonsiiyey Shahaado sharaf ka turjumaysa, sida ay Taiwan isaga xilsaartay inay dhinaca aqoonta gaar ahaan Tiknoolajiyada (technology) yada ay uga saacidaan Jaamacadaha Qaranka Somaliland.

Dalka Taiwan oo ah dal Somaliland ka caawiya dhinaca waxbarashada ayaa sanadkii hore horaantiisa, waxa safar shaqo ku tegay wefti wasiiro ah, safarka ka dib waxay dawlada Taiwan deeq waxbarasho (scholarship) ah u bilowday inay sanad walba laba arday oo reer Somaliland ah ay siiso deeqdaasi waxbarasho, kuwaasoo wax ku soo baranaya Jaamacadaha Taiwan, waxaana xusid mudan oo door muhiima ku leh deeqdaasi waxbarasho  ee Taiwan safaarada Somaliland ee UK, oo xidhiidhkaa waxbarasho ku suntan ama la soo mariyo.

Sidoo kale waxa Imaaraadka Carabta ku sugan  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna booqasho ku tegay Xafiiska Safaaradda Somaliland ay ku leedahay Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu ku soo dhaweeyey Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Amb Baashe Cawil iyo Hawl-wadeenada safaaradaasi. Wa-bilaahi Tawfiiq.”

Xogta iyo Qoraalka Warkan Xoghaya Warbaahinta ee Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir.