Khasaaraha Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Xeebta Liido ee Muqdisho, Nin la qabtay & Dowlado ka hadlay

WEERARKA XALAY LAGU QAADAY XEEBTA LIIDO EE MUQDISHO 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan Toban Qof, ayaa ku geeriyooday, Dad intaas ka badanina way ku dhaawacmeen Weerar xalay kooxo ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadeen Banadir Beach oo ka mid ah Meheradaha Huteellada Xeebta Liido ku yaalla. Kaasoo ay Masuuliyaddiisa sheegatay Malleeshiyada Al-Shabaab.

WEERARKA XALAY LAGU QAADAY XEEBTA LIIDO EE MUQDISHO 2016
WEERARKA XALAY LAGU QAADAY XEEBTA LIIDO EE MUQDISHO 2016

Ciidammada Booliska dowladda Soomaaliya, ayaa soo afjaray hawlgal hubaysan oo kooxaha weerarka qaraxyada iyo ka tooska ahba ku soo qaaday Liido oo gudaha u galay Banaadir Bearch. Waxaanay Masuuliyiin u hadlay Boolisku sheegeen in la dilay Xubnihii weerarka soo qaaday, marka laga reebo mid ka mid ah oo gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac ah.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Ciidammada gaarka ah ee dowladda ay gudaha u galeen Makhaayadda, isla markaana Ammaanka ay xaqiijiyeen.

“Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ku sugan gudaha Baarka, kooxihii soo qaaday weerarkana waa la laayay, xaaladda Ammaanka way wanaagsan tahay.” Sidaa ayuu yidhi Taliye Bishaar Abshir oo xalay la saacadihii dambe markii hawlgalkaas la soo afjaray Saxaafadda kula hadlay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Taliye Bishaar, ayaa sheegay in dadka dhhintay ay ku jiraan laba Askari iyo shan Qof oo Shicib ah. Waxaanu intaas ku ladhay in mid ka mid ah Dableydii soo qaadday Weerarka la hayo isagoo dhaawac ah.

Weerarkan ayaa waxa uu noqonayaa midkii ugu khasaaraha badnaa marka la barbar-dhigo weerarro la mid ah oo ay Kooxda AL-Shabaab hore ugu soo qaadeen Xeebta Liido ee Caasimadda Muqdisho Huteellada kala duwan ee ku yaalla. Waxaana Masuuliyadda Weerarkaas Xalay sheegatay Malleeshiyada Al-Shabaab.

Geesta kale, dowladda Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Cabmaareeyey Weerarkaas oo ay ku tilmaameen mid waxiishnimo ah oo lagaga soo horjeedo Horumarka iyo nabadda Bulshada Soomaaliyeed iyo Ganacsiyadooda.

Sidoo kale, Dowladda Maraykanka ayaa cambaaraysay weerarkaa xalay lagu qaaday Maqaayadda ku taal Xeebta Liido ee Caasimadda Muqdisho, halkaasoo ay Toban Qof ku Dhinteen. War-Qoraal ah oo Maraykanka ka soo baxay, ayaa lagu sheegay weerarkaas mid muujinaya arxan-darrada iyo axmaqnimada Malleeshiyada Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu ballan-qaaday inuu mar kasta garab-taagnaan doono Soomaaliya, isla markaana sii wadayo caawimooyinka kala duwan ee wax lagaga qabanayo la-dagaallanka Argaggixisada, tabobbarrada Ciidammada Booliska iyo Millateriga iyo Gargaarka bina’aadaminnimo, si Soomaaliya u noqoto dal guud ahaan nabadgelyo buuxdaa ka jirto. Waxaanay soo jeedisay dowladda Maraykanku in si fiican loo baadho, su’aalo badanna la weydiiyo Ninka kooxda weerarka soo qaaday ka tirsanaa ee isaga oo dhaawaca ah Ciidammada dowladdu gacanta ku dhigeen oo hadda lagu ilaalinayo Cusbitaal ku yaalla Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.