“Anigaa Go’aansaday inaan Walaalkay Maxamed Cali-Marreexaan Kellidayda u Saaro..” Sagal & Aabbeheed Daawo

India(Aftahannews):- Sagal Cabdi Xasan iyo Aabbeheed Cabdi Xasan, ayaa beeniyey inuu Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Calli Xasan Maxamed oo ay walaalo yihiin Ninkan, uu Kelli uga saarayo Wiil uu dhalay oo xanuunsanaya, ayaa beeniyey in aanu Wasiirku ka faa’iidaysanaynin danyar-nimo iyo dano gaar ah  toona, balse ay yihiin Qoys Walaalo ah oo ilmo ka xanuunsanaya u wada gargaaraya.

Aabbaha Dhalay Sagal, ayaa sheegay inay walaalo yihiin Wasiirka Hawlaha guud oo uu weliba isagu ka weyn yahay, isla markaana Odayga reerka yahay, sidaas awgeedna Wiilka uu Adeerka u yahay ee uu Wasiirku dhalay oo Xanuunsanaya ay Inanta Sagal ee uu isagu dhalay iskeed u go’aansatay inay Inaadeerkeed ugu Deeqdo Kelli ka mid ah labadeeda Kelyood, balse cid qasabtay iyo cid ku danaysanaysaa midna jirin.

Sagal baa sidoo kale sheegtay inay iyadu go’aansatay inay Inaadeerkeed Maxamed Cali-Marreexaan ugu deeqdo kelli si ay noloshiisa u badbaadiso maaddaama oo uu kelli u baahan yahay, balse aanay jirin cid qasabtay. Waxaanay ka jawaabtay eedaynta Awgood iyo Ayeydeed Hooyo oo arrintan Saxaafadda kala hadlay  sheegayna in Cali-marreexaan khiyaamaynayo gabadha Inantooda oo dhimatay dhashay.

Waxaannu Muuqaalka Sagal iyo Aabbeheed oo ka hadlaya arrimahaas iyo kuwo kale iyagoo jooga waddanka Hindiya oo Hawlgalkaas Caafimaad loogu samaynayo Wiilka Wasiirku dhalay, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee DAAWASHO WACAN OO WANAAGSAN:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.