Guddiga Ruqsad-bixinta Qareennada Somaliland oo Guddoomiye Doortay iyo Wasaaradda o ka fadhiisatay

GUDDIGA RUQSAD-BIXINTA IYO ANSHAXMARINTA QAREENNADA SOMALILAND 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareennada dhinaca Sharciga ee Somaliland, ayaa Khamiistii Maanta doortay Guddoomiye cusub, kaasoo ay u doorteen Yuusuf Kirix Cawad, waxaanay Kulanka Xubnaha Guddigu ku doorteen Guddoomiyaha guddoominayey Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Guddoomiye ku-xigeen ka ah Guddigaas.

GUDDIGA RUQSAD-BIXINTA IYO ANSHAXMARINTA QAREENNADA SOMALILAND 2016
GUDDIGA RUQSAD-BIXINTA IYO ANSHAXMARINTA QAREENNADA SOMALILAND 2016

Hase-yeeshee, tirada Xubnaha Guddiga ee Kulankan Khamiistii Maanta ay Guddoomiyaha cusub ku doorteen isugu yimi ayaa ka koobnaa shan Xubnood, waxaana ka maqnaa oo aan kulanka ka soo xaadirin laba Xubnood oo ka socon lahaa Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo Wasiirka iyo Xubin kale ah, kuwaasoo aan la faahfaahin ujeeddada ay kulankan uga maqnaadeen.

Xubnaha Guddiga Ruqsad-bixinta iyo Anshax-marinta Qareennada Somaliland oo ka kooban toddoba Xubnood qaabka ay u doorteen Guddoomiyaha cusub ee Kulankoodaasi u qabsoomay iyo Masuulka la doortay oo Saxaafadda uga warramay sida uu u arko xilkan loo doortay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

GUDDIGA RUQSAD-BIXINTA IYO ANSHAXMARINTA QAREENNADA SOMALILAND 2016
GUDDIGA RUQSAD-BIXINTA IYO ANSHAXMARINTA QAREENNADA SOMALILAND oo Guddoomiye DOORTAY

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.