Korodhka Tirada dhimashada iyo dhaawaca Dhul-gariirka Gilgilay Talyaaniga & Wararkii u dambeeyey

NIN IYO GABADH DUL-TAAGAN DHISMAYAASHA DHUL-GARIIRKA TALYAANIGU RIDAY

Roma(Aftahannews):- Tirada Dadka ku dhintay Dhul-gariir Arbacadii shalay ka dhacay badhtamaha waddanka Talyaaniga, ayaa sii kordhaysa, isla markaana waxay maanta maraysaa tirada dhimashadu Laba Boqol, Afartan iyo Toddoba Ruux (247), halka Dadka Dadka ku dhaawacmay Dhul-gariirkaasna lagu sheegay Saddex  Boqol iyo Lixdan (360) Qof, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo badan.

NIN IYO GABADH DUL-TAAGAN DHISMAYAASHA DHUL-GARIIRKA TALYAANIGU RIDAY
NIN IYO GABADH DUL-TAAGAN DHISMAYAASHA DHUL-GARIIRKA TALYAANIGU RIDAY

Dhul-gariirkan ayaa Ruxay saddex magaalo oo ku yaalla Badhtamaha waddanka Talyaaniga, kuwaasoo kala ah; Amatrice, Accumoli iyo Pescara del Tronto, isla markaana ku yaalla Dhul Buuralayn ah oo ka tirsan gobollada magacyadoodu kala yihiin; Umbria, Lazio iyo Marche. Waxaana ugu sii daran sida Khoborada Talyaanigu sheegeen meel u dhaw meesha lagu magacaabo Norcia oo 170 Kiiloomitir dhinaca Waqooyi-Galbeed kaga beegan Caasimadda waddankaas ee Roma.

Raysal-wasaaraha waddanka Italy Matteo Renzi, ayaa Diyaarad kuwa Qumaatiga u kaca ah Ku tegay goobaha Dhul-gariirku ka dhacay ee badhtamaha dalka Talyaaniga, waxaanu Salaan Gacan-qaadd ah la dhexmaray Dadka Mutadawiciinta ah ee badbaadinaya Shacabka goobahaas ku dhaqan ee Guryuhu ku dumeen.

Waxa uu diiday inuu wax war ah siiyo warbaahinta isaga oo sheegay inaanay ahayn waqti la hadlo xilligan. Waxa uu duullimaadkiisa ka hor shaaciyey inaanay jiri doonin Qoys, magaalo ama Xaafad keligeed laga tagayaa guud ahaan dadka iyo deegaanka uu Dhul-ruxanku saameeyeey Arbacadii shalay.

Waxaa uu Dhul-gariirkaasi dhacay wakhti lagu sheegay abbaaro saddexdii iyo badhankii (3:30) Subaxnimadii Arbacada ee shalay oo ay bishani ahayd 24, waxaana cabbirkiisa lagu sheegay 6.2, isla markaana waxaa dhibaato badan kala kulmay dadkii dhulkaas Buuraladayda ah degganaa, iyada oo lagu soo warramayo inay badi dhismayaashii Magaalooyinkaasi dhulka la sinmeen, waxaana dadka ku dhintay ku jira Carruur, Waayeel iyo Dhalinyar, Rag iyo Dumarba, waxaanay Kooxa Gurmadku gaadhsiiyeen Cunto iyo Taandhooyin Dadka ka badbaaday Dhul-gariirkaas.

Kooxaha Gurmadka ee Masiibadan ka hawlgalaya, oo ka kooban ku dhawaad Afarkan oo Ruux, ayaa illaa xalay xoog ugu mashquulsan Dhismayaasha Dumay oo ay ka qodayaan dadka ku hoos jira ee ay Aqalladu ku dumeen, kuwaasoo ay Meydad, Dhaawacyo iyo Dad noolba ka soo saareen, welina sii wadaan hawlgalladooda samato-bixinta Dadkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.