Daawo Asma-Love oo Hees Farriimo Culus Sidda Qaadday “Taashkii Farxaddaan Xidhnay”

Aftahannews.com (Hargeysa):- Fannaanadda Asma Axmed Ismaaciil (ASMA-LOVE), ayaa soo saartay Hees cusub oo is-muujin ah, isla markaana heerka Jacaylkeeda, Farxaddeeda, Kartideeda, Marwo-nimadeeda, Xil-gudashadeeda Masuuliyiiyeed iyo weliba Farriimo kale sidda. Heestaas ayaa Hal-ku-dheggeedu yahay; “TABAALO ALLOOW IGA DHAWR”. Hase-yeeshee, Durba Shacabka ama Daawadayaasha in badan oo ka mid ahi u aqoonsadeen ama ugu yeedheen; “Taashkii Farxadda”.

Mid kastaba ha loo qaatee, Heestan oo Hees macaan ah, waxaa Erayadeeda Curiyey Abwaan Cabdiraxmaan Xaaji, waxaana Laxanka ku ladhay Fannaanka Daa’uud Xanfar, Musiga waxa tumay Axmed-weli Ibraahin Furinle, waxaana Heestaas oo aannaan faallo intaa ka badan ka bixinayn idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan-dhegaysan Hoose ee ka Bogasho fiican:-

aftahaninc@gmailcom

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.