Khadra Silimoo oo Soo Saartay Hees Garnaqsi Jacayl iyo Go’aan Qaadasho ah! Gudaha kaga Bogo

KHADRA CABDI SILIMOO

Aftahannews.com (Hargeysa):- Fannaanadda Caanka ah ee Khadra Cabdi Silimoo, ayaa soo saartay Hees cusub oo Garnaqsi ah, taasoo Hal-ku-dheggeedu yahay “XOR BAY NOLOSHU KUU TAHAY”, Taasoo ah Hees la xidhiidha dhab ah ama Qiso dhab ah oo Jacaylka ama Jacayllada ama Kalgacalka dheeliya ama dheelliyey.

KHADRA CABDI SILIMOO
KHADRA CABDI SILIMOO

Waxaa Erayada Heestaas oo dad badan soo jiitay ka mid ah kuwan hoos-ku qoran:

Xeel-dheeri Garashiyo

Xiskiyo Damiirkaa

Aadmiga kala Xadeeyoo

Adoon iga Xishoonayn

Xidhiidhkayna goysoo

Haddaad Xoortay Jacaylkii

Kugu Xiiqi Maayee

Xor-bay Noloshu kuu tahay.

Kooras:-

Inta Xayga aan ahay

Aniguna Xannaaniyo

Mid Xaqayga Dhawroo

I Xurmeeya waan heli.

Haddaba, Muuqaal-dhegaysiga Heestaas oo dhammaystiran annagoon ku dheeraan faalladeeda ama Faaqidaaddeeda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka Bogasho Wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.