Dareenka Boorama, Sanaag, Sool ee Magacaabista Taliye Nuux Tani & Nasteexa Odey Obsiiye! W/Q: M. Walaaleeye

TALIYAHA CIIDAKNA QARANKA SOMALILAND NUUX ISMAACIIL TAANI

Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye). … Mudadii ka dambaysay maqalka isku-shaandhayn Madaxweyne Axmed M. Siilanyo ku sameeyey xukuumada, waxa isa-soo tarayey dareeno kala duwan oo bulshada Somaliland guddo iyo dibed-ba ka bixinayeen aragtiyahooda ku waajahan shaqsiyaadka loo magacaabay xilalka cusub ama isbedel lagu sameeyey xilalkii ay hore u hayn jireen, taasoo dadku qofba siduu u arko uga hadlayey si taban ama toggan.

TALIYAHA CIIDAKNA QARANKA SOMALILAND NUUX ISMAACIIL TAANI
TALIYAHA CIIDAKNA QARANKA SOMALILAND NUUX ISMAACIIL TAANI

Maqaalkan aan maanta cinwaanka uga dhigay “Dareenka Boorama, Sanaag, Sool ee Magacaabida Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka..” oo la xidhiidha arrinkan aynu ka soo hadalnay ayaan ereyo kooban kaga weydiiyey siday u arkaan               muwaadiniin  kala joogta magaalooyinkan, kuwaasoo ka bixiyey jawaabo dhinac isku dhow, dhinaca kalena ku kala duwan oo ay ku qiimaynayeen xilkan cusub ee loo magacaabay Taliye Nuux Taani.

Muwaadin lagu magacaabo Ibraahim Cumar oo magaalada Boorama ku nool ayaa kaga jawaabay: Magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Qaranka, waan soo dhoweynayaa, sida guud ahaan bulshada reer Somaliland u soo dhoweysay, waxaanan u arkaa shaqsi wax badan ku kordhinaya masuuliyada loo magacaabay ee Ciidanka Qaranka, kuna soo kordhin doona guulo cusub.

Dhinaca kale, bulshada gobolka Awdal guud ahaan, iyo magaalada Boorama dareenkan ayey qabaan, marka laga reebo shaqsiyaad fadhi-ku-dirir qurbaha jooga, sida nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Obsiiye ee Sweden jooga, oo dhalinyaradu iyo bahda warbaahintu u yaqaanaan “Lama Qorre” oo macnaheedu yahay inaan laga hoos qaadin naxliga uu baahiyo.

Cabdillahi Yaasin oo magaalada Ceerigaabo jooga ayaa ku jawaabay: Taliyaha cusub ee ciidanka Qaranku waa shaqsi xidhiidh dhow la wadaaga guud ahaan ciidamada iyo shacabka, si dhowna uga daryeela ciidamada baahiyaadkooda.

Taliyahan cusub ee Ciidanka Qaranka iyo Taliyahii hore ayaa labaduba yihiin rag wax badan ku kordhiyey ciidanka Qaranka, laakiin haddana, sida faraha bani’aadamku aanay u sinnayn, ayaa laba qof oo kasta dabeecadahoodu kala duwan yahay, si dhow, Taliye Nuux kalsooni badan ayey ka muujiyeen shacabka iyo ciidanka Qaranku magacaabistiisa.

Adan Cali oo jooga magaalada Laascaanood ayaa ku jawaabay: Ma qiyaasi karo kalsoonida guud ahaan ama baddi intaan arkay ama sheekooyinkooda ciidamada gobolkan jooga ka mid ah ka muujiyeen maqalkii magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Qaranka Nuux Taani, taasina waxay muujinaysaa hab dhaqankiisa iyo maamulkiisa ay hore u soo arkeen. Rajo badan ayaan laga filayaa xilgudashadiisa.

Dhinaca kale, Nabigeenii Maxamed CSW waxuu xadiis inoogu sheegay macnahiisu yahay, “Diintu waa nasteexo” una tahay qof madax ah ilaa qof shacab ah, loona baahan yahay in qofkii khalad gala, loogu nasteexeeyo inuu Ilaahay u soo noqdo.

Sidoo kale xadiis kale ayaa macnahiisu ahaa, “Fidnadu way hurudaa, Ilaahay ha nacdalo qofkii toosiya” digniintan loo jeediyey qofkii la yimaada dhaqankan ayaa qof kastoo caqli leh, ka hakinaysa inaanu ku kadsoomin, haduu hilmaamsan yahayna waajib tahay in la xusuusiyo.

Haddaba, waxaan jecelahay inaan tallo kooban u jeediyo nin magaciisa lagu magacaabo Maxamed Cabdillahi Obsiiye, oo degan magaalada Sweden, oo nasiibdaro ku hadlayey ereyo uu ku durayo Taliyaha cusub ee Ciidanka Qaranka, hadalkaa oo damiirka damqanayaa ehelna u ah fahamka diinta islaamku aanu ku dhaceen, ilayn waa halis muuqata iyo cidhib-xumo naareed qaadashadeeda.

Waxaan leeyahay, adeer Maxamed C. Obsiiye, maanta uma muuqatid shaqsi aqoondaro ka hayso diinta islaamka, marka aan eegay muuqaalkaaga, laakiin, qofku wuu ku kadsoomi karaa dabinada sheydaanka, haddaba, waxaan kuugu nasteexayn lahaa Ilaahay uga toobad celi hadaladan gefka ah ee bulshada islaamka dhexdooda aad FITNADA uga abuurayso, ilayn halaag CADAAB ayey kuu horseedaysaaye, Annigu intaa waxaan kuugu jeedinayaa nasteexo walaalnimo islaam, Ilaahay ha ku anfaco adiga iyo inta hadimadaa sheydaan u horseeday. Aamiin.

Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye).

mohamoudali33@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.