“Hargeysa kuma raacayno waxa 30-jirkoodu aamminay & Soomaali baan kala goynaynaa..” Cali Khaliif Galaydh

Buuhoodle(Aftahannews):- Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo wadahadal u socdo Somaliland iyo Maamulkiisa, ayaa sheegay inaanay Somaliland ku raaci doonin go’aanka ah in Soomaaliweyn la kala jaro iyo in Somaliland tahay dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya iyo weliba qaabka Manaahiijta Waxbarashada Somaliland loogu qoray Taariikhda Jabhaddii SNM ee dagaalka la gashay dowladdii Soomaaliya ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre Madaxweynaha ka ahaa.

Prof: Cali Khaliif Galaydh, waxa uu ka hadlay tabashada sixitaanka u baahan ee Soomaaliya laga rabo inay wax ka qabato, waxyaabaha ay Somaliland iyo Khaatumo ka wadahadlayaan, Shuruudaha haddii la isku fahmo ay ku midoobi karaan Somaliland iyo Kooxda uu hoggaamiyo iyo qodobbo kale oo xasaasi ah, isla markaana xiiso badan.

Waxaannu hadalkaas dhinacyada kala duwan taabanaya ee uu Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh jeediyey ee uu arrimahaas kala geddisan kaga hadlay, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.