Daawo Xukuumadda Somaliland oo ku Ceeboowday Fannaanad Soomaaliyeed oo Shaw loo diiday

Fannaanadda Nasteexo-Indho Hargeisa 2016 Shaw off

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku ceebawday Fannaannadda Soomaaliyeed ee Nasteexo-Indho, ka dib markii ay ka joojisay, isla markaana awood kaga joojisay Bandhig-faneed ay Xalay ku qaban lahayd Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa.

Fannaanadda Nasteexo-Indho Hargeisa 2016 Shaw off
Fannaanadda Nasteexo-Indho Hargeisa 2016 Shaw off

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay sababta ay Xukuumaddu u joojisay Bandhig-faneedkaa ay Fannaanadda Nasteexa-indho ku qaban lahayd Crown Huteel habeenkii Xalay, waxaanu Wasiirku ku eedeeyey Dhaqan-xumo sida uu hadalka u dhigay.

Ciidammada Ammaanka, ayay Xukuumaddu dul-dhigtay Huteelka Shawgaas ama Bandhig-faneedkaas lagu qaban lahaa xalay, waxaanu Wasiirku ku dooday inay Fannaanadda Nasteexo waddamada Qurmaha ku qabatay Bandhig-faneedyo dhaqan-xumo ah oo aan Diinta iyo Dhaqanka waafaqsanayn sida uu ku dooday Wasiir Khaliil.

Arrintan oo u muuqata mid ay Somaliland ku ceebaysan tahay maaddaama oo hore Fannaan iyo Fannaaniin loogu diiday inay Bandhig-faneedyo ku qabtaan Hargeysa jirin ee ay tahay Fannaanaddii ugu horreysay ee Xukuumadda Somaliland ay sidan oo kale isaga hortaagtay Shawga ay Hargeysa ku qaban lahayd isla Habeenkii la qaban lahaa lagu bilaabay Nasteexa-Indho, waa mid u muuqan karta takoor iyo wax laga xumaado.

Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Doodda uu u cuskaday inay Xukuumaddu Bandhig-Faneedka ka joojiso Fannaanadda Nasteexo-indho, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Hadalkiisa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.