Daawo Fannaanka Axmed-Biif oo Reer Hargeysa Fadhiga u diiday & Fajicii Fagaaraha

Aftahannews.com (Hargeysa):- Qaybteenna Dhaqanka iyo Suugaanta ee Warbaahinta Aftahannews, waxaan idiinku oo gudbinaynaa Shawga Fannaanka Soomaaliyeed ee reer Imaaraadka Carabta Axmed-Biif ku qabtay bishan Augus ee aynu ku jirno sannadka 2016-ka magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Bandhig-faneedkan oo ahaa Sagootin uu Fannaanka u sameeyey Fannaanka kale ee Maxamed-Bk ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa oo Xurguf ama khilaaf muddo jiitamay ka dhexeeyey Axmed-Biif, kaasoo uu u sameeyey ka dib markii ay ka heshiiyeen xurgufta heesta ka dhalatay ee hore u dhex-taallay labada Fannaan.

Haddaba, Fannaanka Axmed-Biif, ayaa Heesihii uu qaarkood ka qaaday Bandhig-faneedkaas aad loogu ciyaaray, isla markaana Masruxu ruxmay. Sidaa awgeed, Heesihii uu ka qaaday Bandhig-faneedkaas ay Hargeysa ku wada qabteen Biif iyo BK middii ugu saamaynta badnayd ee la fadhiisan waayey iyo siday wax u dhaceen waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.