Maxaa Keenay Xilligan in Cali Khaliif Galaydh Oggolaaddo inuu Somaliland la-hadlo? Faallo: Weriye Maxamed Daacad

PROF CALI KHALIIF GALAYDH

Su’aashanni waxay ka guuxaysaa Dubaaqa dad badan oo Somaliyeed,kuwaas oo dhegahooda ay ka badatay Dagaaladda Fool-ka-foolka ah,Weeraradda afka ah ee Warbaahinta laysu-mariyo iyo eedaymaha aan gabashadda lahayn ee dhex-mari jiray Siyaasiyiinta Laammaha Dawladda Somaliland iyo  Siyaasigga Cali Khaliif Galaydh,waxaana uu dhawr jeer faro-cidiyahood kaga baxsadday Dagaallo culus oo dhex-maray Ciidamadda Isaga u daacada ah iyo kuwa Somaliland oo cudud xooggan ku leh Jiiddaha Berrigga Somaliland marka loo eego goobaha kale ee ay joogaan Ciidamadda Milatariggu.

PROF CALI KHALIIF GALAYDH
HOGGAAMIYAHA KHAATUMO PROF: CALI KHALIIF GALAYDH

Maxaa Cali Khaliif Galaydh Ku Dhaliyay Inuu Yagleelo Maamul Somaliland Kasoo Hor-jeeda?

MAXAMED DAACAD
MAXAMED DAACAD

Jawaabta su’aashanni waxay yeelanaysaa labbo waji,kuwaas oo kala danno ah Siyaasaddeed ah; ugu horaynaba waxa uu si weyn uga faa’iidaystay dareenka dadka deegaamaddaas ku nool,kuwaas oo aamin-san inay xuquuqdoodii  ay ku lahaayeen ay ka-waayeen Maamuladdii Xilalka u kala  danbeeyay ee soo maray  Somaliland iyo Puntlandba,kuwaas oo ay rumaysan-yihiin inay labaddoodaba dhismahooda wax-ku-lahaayeen,iyadda oo Cali Khaliif Galaydh iyo Inta badan Garaadada reer SOOL ay goob-joog ka ahaayeen Shir-weynihii  18 May ee Sannadkii 1991-kii lagaga dhawaaqay Somaliland,kaas oo lagu qabtay Magaaladda BURCO ee xarrunta Gobolka Togdheer. Dhinaca Puntland-na waxa dhismaha Maamulkaas Door weyn ku lahaa Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed reer Sool ah oo ay ka mid Siyaasigga  Axmed-Xaabsadde oo ay Is-qabteen Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Xaabsadde ka qaaday Xilka Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda,kuna bedelay Qaybe,taas oo keentay in Xaabsadde iyo Madax-dhaqameed reer Sool ahi ay qeyb-ka-noqdaan Samaynta Maamulka Puntland,iyaga oo meteliyay Goboladda Sool Iyo Sanaag,waxaana ka mid ahaa Madax-dhaqameedkii ay wakhtigaas is-raaceen Axmed Xaabsadde Garaad Cabdiqani,Garaad Ismaaciil iyo Garaad Abshir oo intooda badan ahaa rag ay iska soo hor-jeedaan Maxamed X.Ibraahim Cigaal.

Ta kale ee ay dad badanni aaaminsan-yihiin inay Cali Khaliif Galaydh ku dhalisay inuu Maamulkaas sameeyo,ayaa waxay ahayd debayl maamul-goboleedyo oo ka socotay guud ahaanba Dalka Somaliya Sannadkii 2012-kii,waxaanay fursad ay Somaliland ku-kalo-dhantaalaan u noqotay Siyaasiyiin badan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland,balse aaminsan-naa Mabda’a Somali-weyn,xiligaas oo la-rabay in Ku-Meel-gaadhka laga saaro Xukuumaddihii kala danbeeyay ee Somaliya loo sameeyay ka dib burburkii Jamuuriyaddii Somaliya ee Sannadkii 1991-kii oo aan helin Dawlad haysta kalsoonidda Beesha Caalamka iyo dalalka Somaliya Dannaha Siyaasaddeed ka leh,iyadda oo ugu danbeyntii Bishii 9-aad ee Sannadkii 2012-ka lagu guulaystay inay Somaliya yeelato Dawlad aan ku-meel-gaadh ahayn oo muddo-xileedkeedu yahay Afar sanno,Madaxweyne-na uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah Madaxweynaha Somaliya. Cali Khaliif,ayaa isaga oo taas maanta ku-haya waxa uu 17-kii Bishii 1-aad ee Sannadkii 2012-ka Magaaladda TALEEX kaga dhawaaqay Maamul ay yeellan-doonaan Deegaamadda Sool,Sanaag iyo Buuhoodle,kaas oo ka madax-banaan Somaliland iyo Puntland,isaga oo sheegay inay hoos-taggaan Xukuumadda Fedaraalka ah ee fadhiggeedu yahay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somaliya.

Prof.Galaydh oo hadal jeediyay maalintaas uu ku dhawaaqay Maamulka Khaatumo,waxa uu farriin u diray Somaliland Iyo Puntland,waxaana ka mid ahaa hadal dheer uu maalintaas munaasibaddiisii Dhaarinta Madaxweyne Ka Jeediyay ““ Waxaan ugu baaqayaa maamulada Somaliland iyo Puntland in gobollada SSC wixii hadda ka dambeeya ay samaysteen maamul ka arrimin doona danahooda, idinkuna sidaas u ogaada”. Ayuu yidhi Prof.Galaydh.

W/Q: Weriye Maxamed Xasan Daacad

Email: Daacad461@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.