Congo Waxaan uga soo Joogay! Qalinka Deeq Yusuf Ducaale Sed (Deeq Shugri) Q/2-aad

DEEQ SHUGRI DUCAALE CONGO DRC

Isagiyoo iga bilaabaya cadadka iyo xadiga lacagta xoogan ee uu magaladan iyo dalkan koongo uu lasoo galey muddoah ku dhawaad soddonka sanno ka hor isagoo dhalinyaro ah xoogna ah, waxa aan dalalka bariga afrika dalal ka mda ka shaqaysanayey muddo toban sanno iyo jar jar ah maal iyo lacag wixii aan shaqaysanaayayba waxa aan ula soo kaciitimay dhankaniyo dalkan koongo, markii aan arkey niman aanu asxaab ahayn oo waddankan muddo kooban kaga soo xoogsaday lacag iyo maal adduunba iyaga oo aan shilling lacaga aan haysan,  oo waliba wax ay waxku maal gashadaan aan lasoo galin.

DEEQ SHUGRI DUCAALE CONGO DRC
DEEQ SHUGRI DUCAALE CONGO DRC

Markaas Ayaan qorshaystay, oo aan ku fikirey kuna talo qaatay adiga oo lacag xoogan oo hadda u dhigmaysa dhowr iyo toban ama labaatan kun oo dollarka maraykanka ah haystaa waxaa aad meesha kazoo samaynkarta mashaariic jiif oo jaq oo kale ah, waxa aanu raaciyey ooh bi’i waaye waa tii aan waligayba ku riyoonayay kuna hamiyaayey, waxa aanay ii hayd halkii ay guusha mustaqbalkaygu ka bilaabmaysay hamigayga, dareenka iyo xamaasadda naftayduba waxa aan haystay rajo aad u heer sareysa oo aanan hadal ama sheeko ku sawiri Karin;  ayaa hadalkiisa ku jirtey.

Run ahaantii marka uu sheekada xoogaa ii sii wado’ba waxa aan ka dareemaayay isbadal, isbadalkaasi oo gabi ahaanba ahaa mid caadi looga arki karaayay wajigiisa, marba marka ka danbaysa waxa uu jawigiisu noqonayaa mid hoos usoo dagaaya oo ismaskiimini ku jirto, halka markii hore ay runtii qabwayni ka muuqatay oo uu aha nin afka ka milyanneer ah, oo hadalkiisaxoogaa amaba inbadani kibir ka muuqday. Xaqiiqdii marka aad u dhugato hadalkiisa waad garan karta inuu quus ama rajo la’aan taagan yahay iyo qoomamo dheer, balse waxa ku jirta rajo lagu qiyaasi karo boqolkiiba konton oo uu nafta ku maa weeliyo had iyo jeer.Anigabaa hadalka kaa dhex galay ee isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu dib u galay xasuus dheer oo aad dareenkiisa iyo hadalkiisaba ka dhadhansanayso in murugo ku jirto, waan ku hanwaynaa tan iyo waagi aan dalka kazoo baxay oo laga joogo afartan sanno ka hor inaan dalka ku noqdo. waayo waxa aan qawl iyo jaceyl ku kala nimi xaaskeygii LEYLA oo ii doonanayd markaasi saddex bilood, balse intii aan hawo adduun iyo lacag aan bursanaayay ayaanu ku kala tagney qoyskaasina sidaas ku burburey aniga sababtayda.

Hooyaday iyo aabahay oo nool ila hada, laba wiil iyo laba gabdhood oo aanu walalo nahay qaarkoodna aanan nasiib isu yeelan inaanu isaragno ila hada ayaa jirey, walaaladay qarkood ayaa dhashay waagi aan dalka kazoo baxay, inkasta oo ay noqosho iigu dhawayd intii aanan iman dalkan koongo balse allah ma qadarin. “ doqon allah taqaan lagama gar helo” Hubaal waqti kasta xidhiidh fiican oo khadka talafoonka ah ayaa naga dhaxeeyey aniga iyo ehelkeyga iyo asxaabtayda qaar, sida saaxiibkey khadar oo aad aanu iskuugu dhawayn, inkasta oo markasta oo waqtigu sii socdaba anigunna aan karahsanaayey xidhiidhka aniga iyo familygayga, sababta oo ahayd su’aalo badan oo aaanan jawaab u haynin waydiintooda dartood, iyo beenta badan ee aan mar walba waqti aan qabsanaayay oon laha waqtigaas iyo waqtigaas Ayaan imanaya, ileen allah Ayaan qadarine.Ileyn markastaba dib uunbayusii dhaacda.

 Hadaladda aan aadka uugu sii nici jirey ehelkayga waxaa ka mid ahaa ninkii hebel ayaa reerkooda waxaas iyo waxaa soo taray, ninkii hebel ayaa soo dagey oo guryo iyo hanti badan dalkii ka samaystay iyo ninkii hebel ee qeyrkaa ahaa caruurtiisu hada sideed bay marayaan,laba ka mida  hadaba jamacada u qabanayaan qaarna wayba dhameeyeen, inkasta oo hadaladaasi ay mararka qaar niyadayda damqaayeen hadana, hanka iyo hiigsigeyga ayaa ii muuqday oo aan arkaayey in marba marka danbaysa ay isoo dhawaanayso oo ay wax yar uun iga qabyo yihiin, waxa aan waagaas hore ee aan dalka soo galay aan iibsaday dhulkaas aad aragtay baaxadiisa wayn. macadanta ka kooban dhaymon iyo dahabka casiba wayka buuxaan dhulkaygan, (hadda waa fikradii lagaga iibiyey dhulkan ee lasoco) inaan kala soo baxo macdantaasi oo aan magac iyo sumcad wayn adduunka ku yeesho, kadibna aan dalkii ku laabto waa rajadayda, aniga oo wax ah cidaydanna waxkusoo kordhin kara inaan laabto na waa hamigayga. Hadase muddo laga joogo saddex ila afar sanno gabi ahaan kama warhaynin xaalkii ehelkeyga.

Sababtauna waxaytahay, markii aan xidhiidhki telephone uu u jarey ehelkayga. ayaa ehelkeygii amaba aan idhaahdo hooyadeyay isoo dirtey niman ehelkayga ahaa oo joogay bariga afrika kana warqabay meeshan aan joogo, kuwaasoo iga soo war jirinaayay inaan noolyahay. inaan caafimaad qabo iyo inaan si kale ahayba;waxaana layaab ku noqotay ninkeygan mudadaasixidhiidhka laga waayey noollaanshahayga, garoo inaan dhintey ayayba ii dhayseen, walaw ay uugu danbayntii u qaateen inaan six’ranahay ama aan falanahay, hadana waanka biyo diidey cidwalba inaan dalkii ku laabto, gabi ahaanba way nagu adkaatay inaanu isfahano nimankii ehelka aanu ahayn, sababo badan oo aanaan isku si u arkayn awgeed.

 Waxa ay ila fahmi waayeen malaha adeer deeqow adiga uunba ila garankaree wadankan aan maalkaygi iyo waqtigaygiiba aan galiyey side baan si yar oo fudud uga noqon karaa ??? ama hanti iyo maal kala noqdey inaadeerow ama ku dhintey oo la igu xabaal la iguna aas halkan……hadba wax uu dareenkiisa iyo hadalkiisu is badbadalo ba aniga oo hadalkii ku xidhey Ayaan waydiiyey oo waalidkaa maxaad ka yeeshay markaas,,,Deee Dee Dee markii aaan nimankii aanu ehelka  ahayn isu  taagi wayney ayey waxa ay la hadleen hooyo’addey oo ay u sheegeen sida xaalku yahay iyo halka aanu kala taaganahay … hooyaday waa hooyadey inkasta oo aaanan waligey ilaabi doonin inta aan noolahay hooyaday abaalkeeddii, xanaanadeedi, daryeelkeedi iyo naxariisteedi badnayd.. oo ay ii dheertay xusuusta hadaladii iskuugu kayo danbaysay….hadana duurufahayga adduun darteed sidii ay iga filanaysay uuma aaanan noqonin waayo  aad iyo aad ayay iigu kalsoonayd hooyaddey oo wiilkeedii curad Ayaan ahaa  inuu wiilkeedu maqli doono ayay aamin sanayd hooyaday, hooyaday wiilkeedii oo ay ugu danbaysay muddo dhawr iyo soddon sano ah oo aanay arag aragiisa, waxa aan qiyaasi kara sida ay hooyaday ugu fikiraysaysida ay wiilkeeda ugu boholyowdey inuu isna uga daran yahay uuna boholyowey,, waan ogahay jawaabta aan odhanaayo hooyaday oo igama qabato xaqna uguma lihi inaan idhaahdo laakiin duruuf ayaa jirta hooyaday waa hooyaday.. \

Waan ogahay in aanay aniga iga suuro gal ahayn aniga oo 60 jir ah oo aan caruur iyo maaltoona aan haysan inaan ceeb uun koradhsado oo aan dalkii ku noqdo oo kolba maqaaxi aan wajiga hoos u dhigo….hadda marka uu sidaasi ileeyahay haddadan uu ilmaynayaa waliba ilmo waa wayn… waxana uu ileeyahay inta aanan hooyaday la hadal waan sii ilmaynaayay oo wax aan ka sii ilmaynaayey hadal diidmada ah ee aan hooyaday ku hadal celinaayo aniga oo hadana u baahan Ayaan hadana hooyaday ka calool adeygay kana diidey in aan dib ugu soo laaabto dalkii aniga oo aanan waxba kula soo noqonayn,,, balse waxa aan markastaba xasuustaa hadaladii adkaa ee hooyaday oo caloosha iguba habeenada qaarna soo jeed ayaabu waagu igu baryaa hooyaday oo ila hadlaysa ina yeedhaysaa oo leh…..hoooyo….hoooyo……….hooyo ….hooyo…………………

Inaan hadlo maan sugaynin>>>>>Baxnaanona maan horjoogsan>>>>Hubsiinana maan ilaawin

Hoggeediyo xaajadayda>>>>>>>>>Dareenka Halawsigiisaa>>>>>>>Hugiissa inaanka qaado

Hayaanka Fogaaday baa leh>>>>>>Markaan cidla hiil ka waayey>>>Naftayda halaanhalkeedda

Waxaan huri waayey sheego>>>> Haantii lulataay dhagayso>>>Hoobaanta agtaadda taalla

Hadiinadu baadi weeye>>Hashii korisaa u ciilaan (Hadraawi maansadi ANUUNBA HOOYADA AH).

Hilaaac baxayow dhagayso sidey tallo kaaga hoosey………………

Alla nasiib badanaa qof ka alla noolol kusoo gaadhisiiyey labadiisi waalid ee u asxaan falay. Ula jeeddka qormadani gaabani waa ineynaan ku ilaawin waalidiinteen raadinta lacag iyo maal adduun iyo eryadkeedda, hadiise ay taasi dhacdo ogow oo waligaaba xaajadda ama muraadkasta oo aad yeelato ama aad leedahay ifkan ama kowkan kuuguma dhamaanayo si kaa farxisa amaba sidii aaad u rabtay ogowna in duco waalid la’aanteen aanad hore usocod iyo hore umar midna aanad gaadhi Karin. Janno aakhiro is arki maysaan ilmaa raali ahaansha ha waalidka mooyane.

Ma’aha sheeko malo’awaalla oo samays ah, dulucdda iyo nuxurka sheekaddan gaabini waa run iyo xaqiiq dhacday, qoraalkaygani se waa laga yaaba in naax naaxin ku jirto.

W/Q: Deeq Yusuf Ducaale Sed (Deeq Shugri)

Zeed@live.co.uk/zeedfour@gmail.com

+243-825067832/84317191312/978923322

Kinshasa, Congo DRC.