“Congo waxaan uga soo Joogay!” Qalinka Deeq Yusuf Ducaale Sed (Deeq Shugri) Q/1-aad

DEEQ SHUGRI DUCAALE CONGO DRC

Hanti raadis adduun iyo habaar waalid…! Hooyo… Hooyo… Hooyo, geboobay oo da; a ayaa iga daba timi jeclaaye in aan inta aan noolahay mar uun aanku arko, waad ogtahay oo da’da aan hada jira sideetanka waxbaa la jira, hanti iyo maal adduun midnaba helistiisu waxba iima soo kordhiso, lakiin aragtida aan arko jiidhkayga qayb ka mida oo aniga igasoo go’ay oo aanan arag muddo afartan sanno ah ayaa wax walba iiga muhiimsan, hooyo ii kaalay hooyo aan kuu duceeyee ii kaalay, hooyo ii kaalay.

DEEQ SHUGRI DUCAALE CONGO DRC
DEEQ SHUGRI DUCAALE CONGO DRC

Waa hadalka hooyadday oo aanaan arag muddo hadda laga joogo 40 sanno, waxa ay ku nooshahay magaladda burco, ee dalka Somaliland. Had iyo jeer dhagahayga kama baxdo yeedhmada iyo codka hooyaday ay ii yeedhayso, ku darsoo aabahay ‘warsame’ waa noolyahay lakiin iiguma yeedho sida hooyadday oo kale markastaba. Waan hela waana ay isoo gaadhaan dad iga imi famlygayga oo raba inaan ku wada laabano Somalia, lakiin wali ma aan raacin, mana aan go’aansanin aan noqdo oo howl iga qabyo ah Ayaan sugayaa inta aan dhamaynaayo.

Anigaa oo waaga ka imi dalki Somalia 1966 kii Waxa aan ku guursadday dalka Tansaaniya ee bariga africa gabadh tansaaniyad ah oo qabiilaka masaayda ahayd ayaa ii dhashay wiil iyo gabadh. muddo laga joogo dhowr iyo labaatan sanno ka hor ah, walaw aanan hadeerto iyo dhawaanahanba aanan xaaladoodda ka warhaynin ubadkaygaasi. Waqtigan xaadirka ah se xaaskaygu waa gabadhan Koongoliiska ah, waxa aanay ii haysa saddexdan caruur ah ee xusseen, maxamud iyo sacda. Waxa aan soo galay dalka congo 1988ki markii ay dagaaladda sokeeye ka socdeen dalka. Waa in ka mida hada ladiisii.,

Waa goor casar gaaban ah markii aan soo galay magaaladda GEMENA ee galbeedka dalka congo DRC gobolka Ekwateer, oo u dhaw xadka dalka koongo uu la leeyahay dalka afrikadda dhexe. Anigu waagaas halkaasi waxa aan kusoo maray safar shaqo oo gaaban, Waxa ay ii gar’teen inaan ahay soomaali balse waxa aanu isku af’garanaynaa ama aanu ku wada hadlaynaa luuqada Swahiliga oo dalkaasi lagaga hadlo, garo’oo way iga muuqata inaan ku cusbaama aan qariib ku ahaa magaaladdan, Sidaas darteed ayaa la iigu keenay ninkan ama odeygan soomaaliga ah, oo daganna magaladan muddo aad u dheer.

Waxa aaduga muuqda rafaad aad u badan, diif iyo gaajo ku raagtay laftiisa hoose ee dhuuxa ah, calalaha iyo huga saaran guudkiisu midna maaha wax ay indhuhu jeclaystaan, mararka qaarna wax uu shaki iga galaa inuuba yahay qof soomaali ah, sidaas oy tahay hadana waxa intaas u dheer wax aan maddaw iyo uskag ukala garan waayay oo saaran wajigiisa hore iyo siifad iyo shiir aan naftu jeclaysan oo naftu karhayso. Da’diisa waxaa aan ku qiyaasaya ila lixdan ama lixdan iyo shan jir. Asallamu Calaykum kadib, waxa aanu isku salaanay salaantii soomalida adeer iska waran iyo waa nabad ee ma fiicantahay ayuu iigu jawaabay, Aniga oo odeygi dhinac iskala ayni dhigaya lana kaftamaya Ayaan ku idhi “waar xaaji ma qoladii soomaali sujuuga ahayd ee northeast ga  ayaad ahayd” northeast waa bariga Africa waana qayb ka mida deegaanada soomaalida ee kenya, oo kusoo lumay galbeedka iyo badhtamaha Afrika Ayaan si kaftana ugu idhi” nin wayni waa sidii laga filaayay ee qudhadii hore ba lah’jadda iyo dhawaaqa hadalkayga ayuuba ka gartey inan ka imi gobalada waqooyi ee Somalia, khaasatan hargaysa ayaabu carabka ku dhuftay oo idhi, waar niyow hargaysaddaa aadka timid kama fogi oo nin reer burco ah Ayaan ahaye bal waran oo kusoo dhawaw magalaadda.

 waayadanba ma arag soomaaliba e maxaa kaasoo galay magaaladan, intaas waxa xigay markaas kalmado sawahili ah “ pipiyaagu leeta shaa’ii mbili nduguyangu yaa somaliyee ana fika hapa leo” oo u dhignaa inuu xaaskiisa u sheegayay in marti ehelkiisa ah oo soomaliyi u timi oo shah noogu dalbaayey. Isbarasho iyo is xaal guud ahaan waraysi ugu sheegay sababta aan halkan u imi ka dib, gabalkii dhac oo aniguna ku noqday hotelkii aan ku soo dagay magaladda anaga oo balanay in aanu kulano bari hadii alle idmo. Aniga oo waliba u sii sheegaaya in aan bari oo kaliya joogaayo halkan oo aan galabnimada bari safakayga aan sii waddan doono hadii allah idhaa.

Sidii balantaayaddu ahayd waxa aanu isku nimid barqadi subaxnimdi aanu balanta lahayn. Inkasta oo uu aad iga caawiyey howlahii aan u imid magaaladaasi hadana goor ay sheekadu noo baxaysay Ayaan waydiiyey muddada uu magalada joogay iyo waxa uu ka qabto, ileen waaba yaab alle !!!!waxa uu ii sheegay in koongo uu hada joogo in aan waxba ka yarayn soddon sannadood dhanna aanu weli uuga bixin, iigunna raaciyey si kaftan ah sodonkaas iyo toban aan joogay tansaaniya ma arag dalkii.

 Isaga oo iiga jawaabaya su’ashaydii ahayd maxaad qabata ayuu iisheegay in uu macdanta ka shaqeeyo kana mid yahay dadka dhulka ka qota bahashaas, haddana ay shaqadiisu u marayso meel aad u fiican, qabana in howshan uu hayaa ay tahay tii uu isaga iyo caa’iladiisa ama reerka uu kazoo jeedoba wax uuga qaban laha kana taajiri laha, hanti badanna laga helaayo oo xadiga uu sheegaaya yahay mallayuun dollarka maraykan ka ah, Run ahaantii anigu aad baan u yara yaabanahay !!! oo marna waxa aan eegaya odeygan iyo nolosha uu haatan ku sugan yahay marna waxa igu soo noq noqonaysa oo madaxayga gali la rajadda uu qabo iyo hantida xadigaa leeg ee uu ku hamiyaayo oo uu u isticimaalayo ereyo ahmustaqbalkan dhaw.

Aniga maskax daydu wax ay mashquul ku tahay isbar bardhiga iyo falanqaynta nolosha odaygan iyo hamigiisa, show odaygu isaga ayaaaba isii wada oo gacanta iisii jiidaaya inta uu sheekada ii waday oo dhan ana waan daba hidiiqinayaa, waxaa aanba hadana ku soo war helay isagii oo I leh eeg!Eeg! eeg hada, Deeqow sowma arkaysid waxa uu markaa gacanta ku fiiqayaa qayb ka mida dhul aad moodo beer oo aanu ku dhex jirnay markaas,aragti ahaan dhulku waa dhul aad u baaxad wayn oo aanan qiyaasi Karinbedkiis.

Dhulkaas intiisa badan waxaa ka qodnaa hogag ama goded waa wayn oo aad u dhaa dheer oo qaarna aad moodo dhaam, qaarna aadba moodo ceelal iyo xabaalo qodmi waayay oo laga guurey waa hore, Kolkaa waxa aanu dul taaganahay god ama dhaam ka mid ah dhaamamkaa aan sheegaayo oo qiyaas ahaan joog dheer leh, biyo door ahina ku jiraan, roob ayaa goor aan fogayn meesha ka qaaday waxanna hogaaas dul yaala qalab aan saas u badnayn oo ka koobnaa majarafaddo, mudaraqiyo, yaanbooyin, iyo sarabado dhowr ah, goortii aan in door ah aan indhaha ku warwareejiyey meelihii qod qodna Ayaan markaliya waxa aan niyada ka go’aansaday inaan odeyga bal aanu isa xog hoose ogaal waraysanno oo uu si faahfaahsan tariikhdiisa oo kooban iigula wadaago. Haba waydiin lahaydeeee!!!!!!!!!!!!!

Inta aan dib u xusuustey muddada uu halkan joogay ayaa isla markiiba waxaa niyadda hadana igaga soo dhacday maanso uu hadraawi laha oo gaadhiga iiga baxaysay intii aanu safarka kusoo jirnay qaybka midda.

“Habaaska inaad cantuugto

Adoo hanadaan ka doortay

Xagayga hibaan ku saarey

Anigu ku habaari mayo

Huq baase ku raadinaysa

Hibaaq xalan maad ahayne

Hufnaanta dhibtii abuurtey

Inaanay hadhayn yaqiinso………….” Abwaan Hadraawi Maansada Anuunbaa Hooyadaaya.

La Soco qaybta Labaad…….

W/Q: Deeq Yusuf Ducaale Sed (Deeq Shugri)

Zeed@live.co.uk/zeedfour@gmail.com

+243-825067832/84317191312/978923322

Kinshasa/Congo DRC.