“Ilmo Ayuu ugu Mahad-naqay…?” Qalinka: Faysal Xiis Weerar (Afgaab)

HARGEISA INTERNATIONAL BOOK FAIR 2016

Hargeysa(AFN):- Waa habeen ka duwan  habeeno badan oo farxadeed,waa habeen aan la hilmaami karin waa habeen jawigu wacan yahay oo cirku uu huwaday daruurta RABBI  ku gedaamay waa habeen ay laydh macaani dhacayso oo naftu jeclaysanayso,waa habeen goobta aanu joognaa ay ku wacan tahay jawiga lagu jiro iyo farxada martida isugu timi oo dhamaandood dhan qudha u wada jeeda isla markaana aamusnaan qadarini keentay ku dhegaysanaya qofka keliya ee indhahoodu ay dhawrayaan.

HARGEISA INTERNATIONAL BOOK FAIR 2016
HARGEISA INTERNATIONAL BOOK FAIR 2016

Waa Habeen sabti sii sagootiyay oo ay axadi soo gelayso kuna taariikhaysan 29/07/2016-ka waxaan ku suganahay Xarunta Dhaqanka Hargeysa. Madal kulmisay Marti dhamaantood Is-direyaal ah iyadoo lagu kala duwan yahay hawlaha la isku diray iyo dalalka is-direyaashu shaqadan is xilqaanka ah ay uga kala yimaadeen. Intaan qalinku ila dhaafin aan  ku hakado n aan martida qaar ka xuso aan u arko in ay ugu mudan yihiin kolay aragidayda gaaban in la magic dhebo.

BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE
BARKHAD MAXAMUUD KAARIYE

Abwaan/Bare sare. Siciid Saalax Axmed oo ah is dire Bandhiga Buugaagta Hargeysa uga yimi dalka Maraykanka,Qoraa Indheer garad Rashiid Sheekh Cabdilaahi oo London ka soo kicitimay, Sheekh/Wariye Aqoonyahan Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar. Intaa aan ku daro Is-diraha koobaad ee martida loo ahaa Qoraa Jaamac Muuse Jaamac oo ahaa mudanaha loo marida ahaa ee suurta galiyay in kulankan is-diyeyaashu qabsomo oo  farxad lagu wada caweeyo.

Dhamaan dadka goobta jooga ee kulankan sharafta badan isugu yimi oo wadaagayay erayga Is-direyaal ayaa ka kala socday hadana qaybo kala duwan oo kala ahaa warbaahin,qoreyaal ciyaartoay dhaqan dhaqameed ah. Dhalinyaro wakti iyo maskax isku diray oo kaga qayb qaatay suurtagalinta bandhigga 9 ee Carwada Buugaagta Hargeysa iyo is-direyaal kale oo badan.

Ugu horrayn waxaan  ka cudr daaranayaa cid kasta oo qalinkayu ka booday ama aanan ku xusin qormadaydan kooban iyo madashii aan ilawga mudnayn intaan ka xariiqay. Goor waliba xusuusteed joogt.o waliba hadal eraygeed iyo hadal guntinteed,e waxaan xaqiiqsaday in mahad naqa cid hawl wanaagsan qabatay sida loogu mahad naqaa ay ku kala dareen duwan tahay habka iyo hannaanka loosoo gudbiyo ama loogu yidhaahdo waad mahadsan tahay.

Waad  mahadsan tahay adduun badani la socdo iyo dhaqaale faro badan oo lagu siiyo waxaan ogaaday in ay ka wanaagsan tahay habka iyo shafartida ay huwanayd mahad naqa Wariye/Qoraa Barkhad Maxamuud Kaariye ugu mahad naqay shan mudane oo Is-direyaal ah oo ugu mudnaa is-diyaraashii suurta galiyay qaab tabineedkii warbaahintu uga hawl gashay Hargeisa Book Fair.bandhigga 9 ee carwada buugaagta Hargeysa oo ka duwanaa dhamaan sanadihii  8 ahaa ee ka horreeyay oo dhan sial markaana sanadkan toos uga baxayay warbaahinta qaarkeed kuwo kalena u soo gudbinayay dhacdo kasta oo guubta ka jirta maqal,qoraal iyo sawir intaba.

Barkhad Maxmuud Kaariye oo kelidii Hadlayay ayaa si dareen iyo qalin aan midnaba lagu cabiri karin isla markaana aan lagu sheegi karin waxaa uu ugu mahad naqay shanta dirane ee aan kor ku soo xusay hawlaha ay suurta galiyeen taasoo uu markii ugu horrasay ee uu carabka ku dhuftay shanta mudane ee is-direyaasha ah.

Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa mahad naqa shantan dirane wuxuu  madasha intayadii  ku sugnayd uu dareen siiyay in uu qalbiga iyo niyada uga mahad naqayo illaa ilmadii indhihiisa kaqubatay ay dharkiisa qoysay oohintii kalgacalku keenayna ay hadakiisii kala joojisay ee ay  jartay isla markaana uu hadli kari waayay.

Addii aan is idhaado qoraal ku sheeg hannaanka uu Barkhad shantan is-diye ugu  mahad naqay waxaan Is leeyahay ma suuayn kartid laakiin aan soo ergisto tuduc ku jira Heesta Jacayl Dhiig Malagu qoray ee uu curiyay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) walibana aan erayada aan ergisanayo  aan ku gefo,e isla markaana erayada jamaca ah aan keli ka dhigo si aan isku dayo in aan sawiri karo inyar oo dareenkii Barkhad ka mid ah.

Ilma dhalatay xiisuhu

Sida dhibic ma hiigaan

Ma ka qubatay dhaayaha

Ma ku qoyey dharkiisii

Naxariis ma dhiday.

Waan ka raali gelinayaa in aan ku gefay Abwaanka maansadiisa isla markaana aan qadaf ku sameeyay,laakiin waxaan uga erguistay uguna dhigay sidan in aan ku cabiri karo. Waxaa xusuustayda ku mudan isla markaana qalinka aan ugu qaatay in aan qiro Barkhad hannaanka uu ina baray ee ah in shaqsiga ama shaqsiyaadka mudan in loo mahad naqo ay ka qaalisan tahay adduunyo kasta oo la siiyo sida niyad samaanta iyo kalcaylka huwan ee loogu mahadnaqo.

Waxaa kale oo uu  muujiyay in ay kala qiimo duwan yihiin oohinta iyo baroorta oo dad badan iskaga qaldan waxaana hubaal ah in farxad la ooyi karo laakiin aan la barooran karin. Barkhad waxaan leeyahay waxaad na tustay gobanimada iyo u hannaynta ay mudan yihiin cid hawl wanaagsan oo lagu farox qabatay. Waana dariiq aad furtay oo u baahan in lagaaga daydo.

Qalinka Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Abafgaab@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.