Somaliland iyo DP World: Hirdanka Hagardaamada & Hirgelinta Heshiiska Dekedda – Falanqaynta Ogaal

HESHIISKA WAREEJINTA DEKEDDA BERBERA EE SOMALILAND IYO IMAARAADKA 2016

Hargeysa(Aftahannews):- Weli ma go’in hadal hayntiisu. Goobaha lagu kulmo iyo baraha bulshada ee internetka waxyaabaha ra’yi ahaan dooddu ka socoto, wuxuu kaga jirraa kaalin sare. Waxyaabo badan oo xiisaha  muranka mawduucan kordhinaya ayaa loo aanaynayaa inay sabab u yihiin sii waaridda hadal hayntiisa. Ra’yul caamka dadka ayaa aragti ahaan la tilmaamayaa inay marna isku aragti ka yihiin, marna ku kala qaybsan yihiin.

HESHIISKA WAREEJINTA DEKEDDA BERBERA EE SOMALILAND IYO IMAARAADKA 2016
HESHIISKA WAREEJINTA DEKEDDA BERBERA EE SOMALILAND IYO IMAARAADKA 2016

Dul ahaan bulshadu waxa muuqata inay isku raacsan yihiin soo dhawaynta mashruuc kasta oo faa’iido u ah dalka iyo dadka, hase ahaatee in laga gun gaadho xaqiiqada taa oo la is taabsiiyo ayaa loo tirinayaa inay tahay ta ismaandhaafka dhalisay, saluuggana beertay. Xukuumaddu marar badan ayay isku dayday inay dadka dhacsiiso waxa cusub ee ay wado, misana weli waxa la leeyahay nin hulaab xumi inuu wax qarsanayo ayaa la mooddaa.

Badeecad kastaa waxay ku gadantaa xayaysiiskeedda, hadba sida macmiilka loogu bandhigo, haddii aad sidii xabad kiniin u liqsiiso way gadantay, haddii kale shixnaddaasi waxay wajahaysaa sumcad xumo iyo weji gabax , xishoodkaa ayaanay suuqa ku tegaysaa, qadar jab iyo sicir jabna ma kala badbaadayaan. Badeecado tayo leh ayaa ganacsi ahaan waajaha dariiqaa foolxumadda ah, qaar aan tayo fiican lahayna iidhehdaa shacni iyo sharaf aan jirin ku muunaysa oo sidaasay ku iibsantaa.

Hase yeeshee mashruucani waa ka duwan yahay badeecad ganacsi, isla markaana loo nisbayn maayo inuu u baahan yahay xayaysiis dhalanteed ah, ee waxa loo arkaa in hirgelintiisu ku jirto dan iyo run lagu gudbiyo, lana saafo sidda loogu tanaadayo iyo badhaadhaha uu soo kordhinayo. Dekedda Berbera waa marin baddeedka ugu wayn ee Somaliland ku tiirsan tahay dhaqaale ahaan, waxa ka soo dega iyo waxa ka dhoofa.

Marka laysu geeyo aragtida dadka layskuma diiddana, in Marsadda Berbera ay u baahantay maalgelin iyo casriyayn. Sidoo kale layskuma diiddana wax kasta oo korodhsiimo ah oo la helayo. Markii ugu horaysay Xukuumadda taladda haysaa waxay heshiis la waddaa shirkadda DP World, oo ah shirkad caan ah oo maamusha dekeddo badan oo caalamka ah.

Inkastoo xukuumadda taladda haysaa ay ku joogto muddo kordhin, waqtigii ay codka dadka ku talinaysayna uu dhamaaday, isla markaana sharciyan su’aalo layska waydiin karo inay geli karto iyo in kale heshiisyada noocan oo kale ah, haddana, dhawaaqii u horeeyay ee shaacinta heshiiskan dadku way soo dhaweeyeen, qof kastaanna wuxuu sugayay qodobadiisa.

Hase ahaatee markii uu dibadda u soo baxay qoraalkii heshiiskaasi waxa bilaabmay wax ka dhihidiisa, waxaanna la taataabtay boogihiisii, sidaanna waxa banaanka ku yimi dhaliilihiisa, taasina waxay sababtay in qurxinta wejigiisa dib loogu noqdo, ka hor inta aan la gaadhin saxeexa rasmiga ah ee heshiiska.

Haatan waxay u eg tahay in laga soo gudbay wejigii hore ee mashruucaa oo la isla marayo marxaladdii u dambaysay. Golaha Wasiiradduna waxay khamiistii aqbaleen heshiiska DP World, kaasoo siday xukuumaddu sheegtay  rasmiyan ay labada dhinac u saxeexi doonnaan todobaadka ugu horeeya August.2016. 

Sidaa daraadeed, inagoo ka duulaynaa dhawaaqyaddii u dambeeyay ee dhanka xukuumadda ka soo yeedhay iyo talaabooyinkii la qaaday aan isla eegno oo wax iska waydiino. Maxaa soo kordhay? maxaa cusub? maxaa is bedelay? maxaa dan ah? haddalada xukuumaddu maxay isku waafaqsan yihiin? maxay ku kala gedisan yihiin? golaha wasiiraddu maxay ansixiyeen? ma nuquladdii heshiiska ayaa loo qaybiyay xubnaha golaha mise warbixin?

Golaha wakiiladda goormaa la horgaynayaa? habkee loo marayaa ansixintiisa? ma iyadoo weli dhawaaqa saluuggu dhisaalan yahay ayaa la meel marinayaa, mise qancin buuxda ayaa loo dhaqaaqayaa?  maxaa u soo kordhaya somaliland? maxay ugu jirra DP World? maxaa hadda ka soo baxa dekedda? maxaa ka soo bixi doonna haddii la wareejiyo? heshiisku ma mid maalgelineed baa mise waa mid kiro? maxay ku kala duwan yihiin? dadka saluugsani waxay ku diidan yihiin ma daw baa mise waa daw darro?…………….kuwaa iyo qaar kale oo badaniba waa su’aalo awaalkoodu aawan yahay.

Ninba meel uu ka abaarayba masuuliyiin badan oo xukuumadda ka tirsan ayaa ka hadlay heshiiskan. Dhamaantood waxay ahaayeen isku ujeeddo. Waxay u baxeen inay dadka dhadhansiiyaan heshiiska, si ay uga soo noqoto jawaabta loo baahan yahay oo ah “HAA” Hase ahaatee….. La soco caddadka danbe.

Xigasho Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.